Soomaali Haysata Dhalashada Waddanka Maraykanka Oo Af-duub Loogu Haysto Dalka Yemen
Sanca:June,02,2015(SDN/QJ)-War laga soo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa sheegaya in Laba qof oo u kala dhashay Dalalka Maraykannka iyo Singapore oo afduub loogu haystay dalka yemen lasii daayey, isla-markaana ay gaadheen Dalka Cumaa.
Saldannada Cummaan iyo sida warkan lagu sheegay gacan weyn ka geysatay sii daynta dadkaas oo haatan si xorriyad ah ku jooga Waddanka Cumaan oo ay dhawaan kasoo socdaali doonaan.
Warkan ayaa yimid kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ay saxaafadda u xaqiijisey in dhawr qof oo u dhashey dalka Maraykanka afduub loogu haysto dalka dagaladu ka socdaan ee Yemen, kadib markii Joornaalka Washington Post daabacay markii u horeysey warka afduubka.
Sida laga soo xiganayo ilo dalka Yemen u dhashey waxaa weli gacanta kooxda afduubatey ku jira saddex qof oo haysta dhalashada dalka Maraykanka waxaana kamid ah qof Soomaali Ameerikaan ah.
Dadkan lama sheegin magacyadooda iyo waxa ay ka qabanayeen dalka Yemen, waxaase la xaqiijiyey in lagu hayo magalada Sanca oo ay ka taliyaan Xuuthiyiintu.
Isla maanta ayaa muuqaal cajalad ah laga arkey Youtube-ka haweeney u dhalatey dalka Faransiiska oo afduub loo haysto, taas oo dalabanaysa in la caawiyo. Xukuumadda Faransiiska ayaa sheegtey in ay samayneyso waxkasta oo ay haweeneydaas ku soo badbaadin karto.
Haweeyneydan ayaa lagu magacaabaa Isabelle Prime waxaana ay u shaqeyneysey Mashruuc uu dalka Yemen ka maalgelinayey banigaga Adduunka.
Fallaagada Xuuthiyiinta ee inqilaabey xukuumaddii Yemen ayaa farta lagu fiiqey in ay iyagu ka danbeeyaan afduubkan isa markaana dhaqaale ku doonayaan ay ku maal-geliyaan dagaalada ay ku jiraan.
SDN/QJ