Sool: Cunno Yaraan Soo Wajahday Qoysas Ku Tiirsanaa Taakulada Guddida Gurmadka Abaaraha
Laascaanood 14. May 2017 (SDN/QJ):- Kumanaan qoys oo ku barakacay deegaannada gobolka Sool, isla markaana ku xoolo beelay abaarta ba’an ee ka jirta dalka ayaa la sheegay in ay soo wajahday cunno yaraan, kuwaasi oo muddooyinkii u dambeeya noloshoodu ay ku tiirsanayd gargaar ay ka helaan guddida gurmada abaaraha Somaliland.
Ku dhawaad ilaa sagaal kun oo qoys oo ku kala sugan deegaannada gobolka Sool, ayaa wajahaya cunno yaraan, kadib markii ay deegaankaasi ka curteen roobabkii, isla markaana dadkii mucaawinooyinka gaadhsiin jiray ay joojiyeen deeqihii ay bixin jireen, sida uu sheegay Cabdale Jaamac Xirsi oo ka mida guddida abaaraha ee gobolka Sool ahna isu-duwaha wasaaradda dib- u- dejinta Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka Sool.
Cabdalle waxa uu xusay in kumanaan qoys oo ku xoola beelay abaartii ay imika wajahayaan xaalad aad u adag, kadib markii ay go’aday taakuladii ay guddida gurmadka abaaruhu u fidin jireen, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in 62-goobood oo dadkaasi ku barakaceen ay soo wajaheyso cuno yaraani kana soo yeedhayso qayla dhaan baahsani, deegaanadaasi waxaa ka mida Dhagax-isguro, Kalbardaaley, Dhiir-guubo, Dhuxun iyo goobo kale .
“Way jirtaa deegaano ballaadhan oo barakaca ka samaysmay, qaylo aad iyo aad u laxaad badan ayaa ka soo yeedhaysa, markii Jilaalka aanu ku jirnay waxaa na caawin jiray jaaliyadaha, ganacsatada iyo Hay’adaha samafalka, kadib markii roob da’ay ayay goosteen dhaqaalihii, cabashaduna hadfa ayay noogu daran tahay, oo dadka waxaa la siin jiray cuno ku filan, markii roob da’ayna baahidii ayaa laban laabantay dhab ahaana waxaanu ka cabsi qabnaa goobihii ay dadka abaarta ku xoola waayay ku soo barakaceen macaluul baahsan ayaa soo wajahaysa, cabsi weyn baana aanu ka qabnaa. waxaa naloo soo sheegayaa waa baahi nololeed, waxaa na loo soo sheegayaa waa bukto, waxaa jira dad aan waxba haysan oo aan meela ku tiirsaneyn, xirfad iyo aqoon ay ku shaqo tagaana laheyn, habeen iyo maalinba qaylo dhaantu waa ay socotaa, dadka gaajo ayaa ay ka cabanayaan iyo caafimaadkii sida biyihii hoy la’aan iyo saxa-xumo ayaa haysta dadkaasi,”ayuu yidhi isu-duwaha wasaaradda dib-u-dejinta gobolka Sool, Cabdalle Jaamac Xirsi isla markaana ka mid ah guddida abaaraha ee gobolkaas, oo u waramayay idaacada Radio Ergo.
Caasha Maxamed Cabdi waa hooyo heysata shan caruura waxaanay sheegtay in abaartii ay ku weyday saddex tiro iyo afartan xoolo ah, waxaanay degan tahay deegaanka Qubiyaley waxaanay xustay in caruurteeda aanay waxba u karin oo ay ku seexisay qadoodi waxaanay tidhi “Shalay ayaa ugu danbeysay wax aan dab u saaro xalayna (habeen hore) waxba looma karin oo dhariba dab u maan saarin, imikana meela waxba uguma ogi qolada gudida taakuleynta abaaraha ayaa dadka wax soo gaadhsiin jiray hase ahaate sidii roobku u da’ay waxba caawimo ah maanan helin, roobkii waa noo da’ay laakiin wax xoola ah oo aanu heysana ma jiro, baahidiina sidii uun bay u taagan tahay, qoysaska dariskayaga ayaanu ka soo karsaney xiliga meel aan u aadi doono Illaahey uun baa og oo imika wax aan u hayaa ma jiro ubadkeyga wax Illaahey meel noogu og yahay mooyaane, waxaanu codsaneynaa in si deg dega na-loo-soo caawiyo, dadkana dad xaaladooda laga warami karo maaha qof yimaada uun baana ka sheekeyn kara, markii aanu xoola heysaneyn noloshayadu waa ay wanaagsaneyd oo cad iyo caano ayaanu ku nooleyn xaaladayaduna meel adag ayay mareysaa.”
Aamina Diiriye Cabdi waa hooyo 40-sano jira, heysatana siddeed caruura waxaanay degan tahay deegaanka Dhagax-kur-kuro oo dhanka koonfureed ka xiga magaalada Laascaanood, waxaanay sheegtay in iyada iyo dadka deegaankuba wajahayaan xaalad nololeed oo aad u adag kadib markii ay waayeen waxyaabihii baahida nolosha aasaasiga u ahaa “Waxaanu nahay dad iska tabaaleysan oo abaartii ka dhameysay xoolihii, dhulkii deegaanka ay u ahaayeen markii horena abaari ay saameysay oo laga barokacay colaad iyo abaarta dad u dhaxeeya ayaanu nahay, markaa dhibaatadaasi culus ayaa na heysata ee ay abaarta iyo colaada, siiba abaarta colaada waaba laga qaxaayee, helitaanka cunooyinkuna aad iyo aad ayay noogu adag yihiin xoolayaga ayaanu ku tiirsaneyn oo aanu qalan jirnay xoolihiina waa ay naga dhamaadeen oo raashinka cid hada wax-nagu gar-gaartaana ma jirto caruurtana boorash ayaan xaley u walaaqay, saakana waa ay iska fadhiyaan Illaahey ayaanu macsuun u nahay, xaaladan hadii aanu ku sii jirno wax nolola oo aanu filaneynaa ma jirto, qofkuna waxaa uu ku noolaada waa manaafacaadka la cuno, manaafacaad haddii la waayana noloshu waa ay adkaaneysaa, caruurtiina beerka ayay dhulka ku heysaa dadka waa weyn qudhiisu waa uu iska liitaa, meeshi aanu deganeyna colaad darteed ayaanu u galiweynay oo aanu uga qaxney, kaam yar oo Dhagax-kur-kuro la yidhaaho ayaanu isku urursaney kadib markii aanu weynay awood aanu ku soo rarano guryihii aanu galeynay.”