Soo Dhaweyn Diirran Oo Madaxweyne Erdogan Loogu Sameeyey Djibouti Iyo Nuxurkii Wixii Laga Wada Hadlay
Djibouti:Jan,24,2015(SDN/QJ)-Magaalada Djibouti waxa xalay kasoo degay Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayep Erdogan oo kasoo shiraacday Dalka Sucuudiga oo uu u joogay Aaska Boqorkii dalkaas oo shalay geeriyooday.
Madaxweyne Erdogan ayaa safar ku maraya Dalalka Geeska Afrika, waxana la filayaa inuu safarkiisa ku tago Dalka Somalia ka hor intii aanu safarkaasi waxka beddelin dhimashadii Boqorka Sucuudigu.
Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha iyadoo wada hadallo ku saabsan iskaashiga labada dal ay wada yeelan doonaan labada madaxweyne maanta.
Shirkooda ayay ku daah furi doonaan heshiis cusub oo dhaqaale oo u dhaxeeya Jabuuti iyo Turkiga, iyadoo Turkigu uu mashaariic horumarineed ka fulin doono Jabuuti.
Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa socdaalkiisa lagu wadaa inuu ku yimaaddo magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka Soomaaliya si xadhiga uu uga jaro tiro mashaariic ah oo turkgu ka wado Somalia.
Safarka Madaxweynaha ayaa waxa ku weheliya Wufuud sare oo iskugu jirta Baarlamaanka, Wasiirrada, Ganacsatada iyo Waliba Haweenaydiisa oo iyada si gaar ah dhigeeda Djibouti halkaas kusoo dhaweysay.
Sanadkii 2011-ka ayuu mudane Racep Tayyib Erdogan yimid magaalada Muqdisho isagoo ahaa Ra’iisul-Wasaare. Wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ka fulin doonaan mashaariic dib u dhis ah, kaalmana ay u fidin doonaan dadka Soomaalida.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com