|

Soo Dhawayntii Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ee Jabuuti iyo Hadhimo Sharafeed ay Xubno Wasiiro ahi u sameeyeen Sawiro Daawo

Jabuuti 02.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yonis, ayaa oo si wayn loogu soo dhaweeyay Dalka Djibouti. Wasiirka oo ku jira socdaal shaqo oo ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Masar iyo Ingiriiska oo ka soo degay Shalay  gagida diyaaradaha dalka DJibouti halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane: Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Shaqada Mudane Cabdi Xussen iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Djibouti.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa lagu sheegay in Socdaalkan Wasiirka oo u ku weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Mudane Maxamed Xasan Siciid, waxa qado sharaf u sameeyay wasiirka shaqada iyado ay ka soo qayb galeen wasiiro badan oo ay ka mid yihiin wasiiradda Arrimaha dibada, Maaliyada iyo Dhaqaalaha, Arrimaha gudaha, Cadaalada, Miisaaniyada, difaaca, warfaafinta iyo isgaadhsiinta. Waxa kale oo casuumadaasi laguu soo dhawaynayay wasiirka arrimaha dibada Somaliland ka soo qayb galay, gudoomiyaha bangiga, madaxa amniga qaranka, xoghayaha guud ee xukumada, xoghayaha guud ee xafiiska raysal wasaaraha, taliyaha bileyska Djibouti, taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyadda, xildhibaano iyo ganacsatada waawayn ee reer Djibouti.

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamed Biixi Yonis, waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxda dawlada Djibouti, oo wado hadal ka yeelan doonaan si xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal.

Soo dhawaynta ay 9 Wasiir ee Jabuuti iyo madaxda kale ku qaabileen Wasiirka arrimaha dibada ayaa Noqonaysa Tii 1aad ee Mudane Maxamed Biixi Yoonis ay u fidiyaan Madaxda Sare ee Dawlada Jabuuti Mudadii Koobnayd ee uu Xilka Wasaaradan ku Magacawnaa.

20131102_022019 20131102_022031 20131102_113247 20131102_113248 20131102_142857(0) 20131102_142919

Jabuuti SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed