Soo Celinta Qaxootiga Somalida ee Kenya oo ay Qaramada Midoobay ka Hadashay
Nairobi 29.October 2013 (SDN)- Ku-xigeenka xog-hayaha guud ee QM Jan Eliasson ayaa sheegay in Soomaliya aysan xilligan ahayn goob nabdoon oo lagu celin karo qoxootiga, iyadoo hadalkiisan uu imaanayo xilli ay wado dowladda Kenya qorshe ay qoxootiga Soomaalida ah dalkeeda uga saarayso.
Mar uu ka hadlay kordhinta ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ayaa wuxuu sheegay in lasoo jeediyay kordhinta ciidamada oo ka socda shan dal oo Afrikaan ah, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan in la kordhiyo.
Eliasson oo maalin ka hor booqasho ku yimid Muqdisho ayaa wuxuu kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha, waxayna labada mas’uul ka dalbadeen in qayb uu ka qaato sidi lagu kordhin lahaa ciidanka AMISOM laguna qalabeyn lahaa iyo in ciidamada Soomaaliya dib u dhis loogu sameeyo.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ka fariistaan shir looga hadlayo kordhinta ciidamada AMISOM iyo tababaridda iyo qalabeynta ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Eliasson wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo isbedelka ka jira Soomaaliya, isagoo sheegay inuu aad ugu farxay inuu booqdo Muqdisho muddo dheer kaddib.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com