SONYO: Ciddii kala qaybisay calool-xumo iyo habaar ayay naga mutaysatay!
Maalmihii u danbeeyey waxa qalbigayga luxayey dareenno xooggan oo ka dhashay kala qaybsankii dalladda SONYO. Waxa aan isku tiriyaa dadka wax badan ka og maraaxilkii kala duwanaa ee ay dalladdu soo martay. Markii ugu horraysay ee magaca SONYO iso gaadhay waxay ahayd isla sannadkii 2003-dii markii asaaskeeda la hirgeliyey, xilligaa oo aan ka mid ahaa ardaydii dhammaynaysay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee ku yaalla magaalada Hargeysa. Hadafka guud ee loo yagleelay dalladdu wuxuu ahaa midaynta xoogaggii dhalinyaradii Somaliland ee xilligaa ku guda jirtay horumarinta baahiyaha dhalinyarada oo ay ugu darnayd kor u qaadista aqoonta iyo wacyiga dhallinta.
Inkasta oo aanan ka mid ahayn ururadii ku midoobay dalladda haddana waxa aan ka mid ahaa dadka sida weyn uga ag dhawaa. Dabayaaqadii 2006dii ayaan ka qayb ka noqday hawlihii dalladu fulinaysay. Iyadoo horraantii sannadkii 2007dii koox dhalinyaro ah oo aan ku jiray oo kala ahaa aniga, Khadar Xariir iyo Isaaciil Kalluun – noloo xilsaaray xograadinta iyo soo bandhigista barnaamij ku saabsanaa doorka ka qayb-galka siyaasadda ee dhalinyarada Somaliland. Saddexdii xisbi qaran ee xilligaa jiray ayaanu la kulanay oo hor dhignay su’aalo kala duwan oo ku saabsanaa kaalinta iyo muhiimadda ay ka qayb-galka dhalinyaradu ugu fadhido xisbi ahaan iyo fursadda ay dhalinyarada siyeen ee ku qoran barnaamijyadooda siysaasadeed. Talooyinkii aanu xilligaa soo jeedinnay waxa ku jiray in xisbiyadu xoojiyaan doorka dhalinyarada ee ka qaybgalka siyaasadda, in dhalinyaradu golayaasha deegaanka iska sharxaan oo dabarka laga hor qaado iyo arrimo kale, iyadoo xilligaa wixii ka danbeeyey ay dalladu laba jibbaartay sidii meesha looga saari lahaa dabarkii dhalinyarada horyaallay ee ay da’du ka midka ahayd, illaa lagu guulaysanayay gidaarka la jebiyey oo ay dhalinyaradiina si buuxda uga qaybgaleen siyaasadda.
Dalladda SONYO waxa soo maray hogaamiyeyaal halyeeyo ah oo waqtigooda iyo dadaalkoodaba ku bixinayay hore-u-socodsiinta isha ay eegayaan dhalinyarada Somaliland. Waxaana hogaamiyaashi isugu jireen kuwo hogaanka guud ee dallada waday iyo kuwo gacanta ku hayay hawlaha maalinlaha ah ee sahlayay in horumar la sameeyo. Waxaana aan ka xusi karaa Ibraahim Suldaan, Maxamed Xasan, Dr. Maxamed Aw Cali “Culimo” Yaxye Ubaxle, Axmed Cabdi wacays, Mustafe Maxamed Khayre, Maxamed Axmed Maxamuud “Barawaanni” iyo immika oo xilalka guddoomiyaha iyo ka agaasimenimada kala hayeen Mubaarik Ismaaciil Taani iyo Siciid Maxamed Axmed. Inkasta oo aanan soo koobi karin haddana waxa kale oo ammaan sharaf mudan hawl-wadeennadii kala duwan ee dalladda heerkan soo gaadhsiiyey.
Cid kasta oo dalladda soo martay waxay kala tagtay wax qabad loo og yahay oo lagu reeyey, balse Mubaarik Ismaaciil Taani iyo Siciid Maxamed Axmed oo iyaga laftoodu wax qabad badan muujiyey waxa dul taalla dhaliil ah inay qayb ka noqdeen xooggagii kallifay inay dalladu kala qaybsanto. Waxa dhacday inay dhinac la safteen, halkay ahayd inay noqdaan marjaca loo noqonayo haddii ay timaado kala qaybsanka yimi oo kale. Waxa dhacday in guddoomiye Mubaarik halkii uu xal ka raadin lahaa inuu si toos ah u caddeeyey in labadii guddoomiye ee labada garab kala doorteen inuu mid si cad isu barbar taagay. Tallaabadaasina waxay aniga shakhi ahaan iga dhigtay mid aan si weyn uga xumaado. Waan dareemi karaa culayska dhanka xumuumadda iyo dhinacyo kaleba kaga imanayay hasayeeshee waxa aan u han-weynaa inuu intaa ka adkaanayo oo uu u babac-dhigo culays kasta oo ku imanaya si dalladdu u badbaado.
Dabcan waan la socdaa inay jiraan dhalinyaro dareenno ka qaba jiritaanka SONYO una arka wax cid gaar ahi ku adeegsato, anigu-se fikirkaa mid aad uga duwan ayaan qabaa oo waxa aan SONYO u arkaa dallad kulmisay oo kobcisay dhalinyarada Somaliland. Warshad soo saartay badiba dhalinyarada hormoodka ka ah hay’aha caalamiga ah iyo kuwa dawliga ah ba. Madal hirgelisay damacii dhalinyarada ee ahaa ka qayb-galka siyaasadda iyo kobcinta garaadka dhalinyarada ee wadciga siyaasiga ah ee Somaliland ka jira. Dallad kor u qaaday awoodda hogaamineed ee dhalinyarada. Xarun in badan la dagaalantay cadaadisyo caqabado ku ah dhalinyarada Somaliland oo ay ku jiraan shaqo la’aata, jihayn la’aanta iyo is-dhexgal la’aanta. Dallad kulmisa dhalinyaro ka soo kala jeedda dhamaan gobollada Somaliland.
Dhalinyarada faraha badan ee xilliyadan danbe kacay ee badankoodu aanay aqoonta u lahayn SONYO waxay ahayd in la baro oo laga dhaadhiciyo waxay dalladu u jirto iyo guulihii ay u soo hoysay dhalinyarada Somaliland. Tusaale ahaan dhalinyarada ku nool Boorama, Gabiley, Hargeysa, Berbera, Burco, Laascanood ama Ceerigaabo waxa mudan inay la kulmaan ururada dalladda ku jira ee magaalooyinkaa ka hawl-gala. Ururradaana waxa xaq loogu leeyahay inay dhalinta soo kacaysa iyo dallada is baraan. Dallada lafteeda waxa horyaalla inay hadba la shaqeeyaan garaadka dhalinta iyo tuhunnada jira.
Xilligii dheeraa ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin talinaysay SONYO waxay samaysay ay ku tallaabsatay koritaan mug iyo miisaan leh. Guud ahaan doorashooyinkii la qaban jiray-na waxay u dhici jireen hannaan sugan oo ku dhisan loollan iyo ololeyaal togan oo cid kasta oo hogaanka u heellani soo bandhigi jirtay. Masuuliyiintii kala duwanaa ee xukuumadda ka tirsanaa ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha soo marayna waxay ahaayeen kuwo dallada dhismaheedda taageeri jiray, waxaana ay ka dheeran jireen wixii faragelin ah ee keenayay waxyeeladda dallada. Waxay xaaladdu isbedeshay markii ay xukuumaddan madaxweyne Silaanyo xilka la wareegtay, walaw ay xukuumaddan lafteedu ka qayb-qaadatay horumarka dalladda oo ay bixiyeen halka laga dhisay xarunta dalladda, haddana faragelin badan ayaa jirta. Shirkii kan ka horreeyey ee lagu doortay hogaanka hadda talinayey waxa jirtay faragelin dallada ku socotay, balse waxa danta dalladda ku guntaday hogaankii xilligaa talada wareejinayay oo uu horkacayay Axmed Cabdi Wacays. Shirkii ka sii horreeyey ee lagu doortay Axmed Cabdi Wacays waxa dhacday arrin taariikhiya, waxa jirtay in Axmed Abokor oo Axmed Cabdi kula tartamayay guddoomiyennimada dalladda inuu Axmed Cabdi Wacays kaga guulaystay hal cod oo keliya. Axmed Abokor wuxuu xilligaa si sharaf iyo aayo-ka-talis u muujiyey inuu aqbalay halka cod ee lagaga badiyey.
Shirkan dhawaanta muranku hadheeyey ee aakhirkii sababay in laba guddoomiye la kala doorto laba garabna loo kala jabo, waxa eedda koobad dusha u ridanaya xukuumadda madaxweyne Silaanyo oo uu u horreeyo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarha Cali Siciid Raygal oo xilligii la kala qaybsamayay hawsha ku jiray xaadirna ahaa. Waxa eedda labaad leh kuwii shirka ka dareeray ee dantooda ka doorbiday ta dalladda iyo wada-jirkeeda.
Marka laga yimaado dastuurka dalladda, muran kasta iyo khilaaf walba oo soo kala dhex gala doorashooyinka SONYO waxa jira xad aan la dhaafi karin oo ah “SONYO-nimada.” Qofka haddii ay maskaxdiisa ku weyn tahay jiritaanka SONYO waxa qalbigiisa ku beeran SONYO-nimada. Sida ay qof kasta oo reer Somaliland ah ay maskaxdiisa ugu weyn tahay Somaliland-nimadu.
Waxa aan calool xumo iyo godob-ba u hayaa ciddii masuulka ka ahayd in SONYO kala qaybsanto. Xukuumadda madaxweyne Silaanyo-na kaannaan filayn inay sidaasi ka suurtoobayso, oo haddii ay danta dhalinyarada, badbaadadooda, wanaagooda, isku xidhnaantooda, aayahooda mustaqbal iyo niyaddoodaba ka fikirayaan SONYO may kala qaybsanteen oo wasiirka dhalinyarada lamuu kala safteen. Waxay-se ka doorbideen hirgelinta dan siyaasiya iyo xisbi hehel yaanu soo dhex gelin.
Dhalinarada Somaliland xilligan lagu jiro waxay u kala baxeen saddex qaybood; qolo niyad-jabtay oo ay duruufo halakeeyeen noloshuna ku adkaatay una kala baxay wax waddanka ka yaacay iyo in weli niyad-xumo ka joogta. Kuwo shufto noqday oo noloshooda ku jiheeyey waxay la noqotay; tusaale ahaan sannadkii aynu ka soo gudubnay ee 2014ka magaalada Hargeysa waxa ka abuurmay kooxo halis ah oo dadka baadhanaya dhibaatana u gaysanaya, iyo kuwo horumarinta waddanka iyo hal-abuurnimo ku fikiraya. Kuwan horumarka ka fikira meelaha ay eegtaan ee dugsiga weyn u ah waxa ka mid ah SONYO, haddii dhibi soo gadho waxa dhaawac ku imanayaa himiladooda. Markaa haddii ay xukuumadda danaynayso badbaadada dhallinyarada ilaahay ka badbaabadiyey khatarta tahriibka waa inay SONYO iyo meelaha la mid ah ee dhalinyarada xoojiyaan, xitaa haddii aanay wax ba ku tarayn inay hagardaamada ka daayaan.
SONYO waa shamac ifiya oo aanu dhalinyaro ahaan eeganayno kuna diirsanaynno, xitaa haddii aan manfac lagu wada qabin waxa ka hawl gala dhalinyaro badan oo shaqo-abuur ka helay. Waa ilays baxaya ciddii demisa ama wax yeesha inkaar ayaanu ku ognahay. Waa dallad heer qaran ah oo magaca dhalinyarada Somaliland kor u qaaday, dadaal badanna ku bixisay wax noqoshada dhalinyarada.
Waxa aan qormadan ku soo afmeerayaa; damacu waa belaayo’e dhalinyarada kala qaybsantay waxa aan leeyahay hal, xukuumaddana waxaan leeyahay hal kale, daneeyayaasha SONYO-na midh baan leeyahay.
-
Dhalinyarada kala qaybsantay waxa aan leeyahay u fikira xadkii aan la dhaafi jirin ee SONYO-nimada, ka fikira badbaada iyo wanaagga dalladda. Isu dhawaansho iyo wadal furan oo lagu arrinsanayo ha bilaabo. Aayaha dallada cid kale yaan laga sugin ee bal ha la isku noqdo oo canaadnimada iyo is-jujuubka ha laga gudbo. Tanaasulna ha lala yimaado.
-
Xukuumaddana waxaan leeyahay kollayba ceebi idinka raacday dalladii dhalinyarda ee haddana xalkeeda ka shaqeeya oo dhalinyarada isu soo dhaweeya. Wasiirka dhalinyaradana arrinta ha laga wareejiyo madaama oo dhibaatada kala qaybsanka keentay uu qayb ka noqday.
-
Daneeyahaasha SONYO-na waxa aan leeyahay arrinta yaan la eegan ee xalkeedu wax kasta oo uu noqonayo ha l galo, si kasta oo labada dhinac la isugu soo dhawayn kara ha sameeyo.
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)