|

“Somaliya waxa ay diyaar u tahay inay taageerto dawlada Faransiiska Saacadahan madow” Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho 15.Nov 2015 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay weeraradii ururka Daacish u gaystay dalka Faransiiska magaalada Madaxdiisa Paris ee ay ku dhinteen dadka gaadhay in ka badan 120 qof .

Madaxwayne Xassan Sheekh ayaa cambaareeyay weerarkaasi aragagixiso ,waxaanu sheegay inuu aad uga xun yahay weerarkaa lagu qaaday dadka aan waxba galabsan .

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Maxamuud-00“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaan jeclaan lahaa inaan sheego sida aan uga naxay ugana murugooday  marii aan maqlay weerarradii ka dhacay Paris . Waa inay ka foojignaataa dawlada Faransiisku weerarad ay qaadayaan dadka aragagixisada ah”Xassan Sheekh.

Waxaanu caalamka u soo jeediyay in loo midoobo sidii loola dagaalami lahaa ama loo tirtiri lahaa waxa uu ku sheegay kooxaha xagjirka ah.

“Caalamku waa inay u midoobaan la dagaallanka kuwa wata aragtiyaha  qaldan. Falalka  dhacay waa tallaabo ku lid ah islaamka iyo aadanaha”Madaxwayne Xassan Sheekh.

Madaxwaynaha Somaliya ayaa sheegay in Somaliya diyaar u tahay inay maalmahan qadhaadh taageerto

“Somaliya waxa ay diyaar u tahay inay taageerto dawlada Faransiiska Saacadahan madow”Xasan Sheekh

Dalka Somaliya ayaa waxa weeraro is qarxin iyo ismiidaamin ah ka gaysta ururka Al shabaab oo taabacsan ururka Al Qaacida iyagoo qaraxyo iyo dagaalo fool ka fool ah la gala ciidamada dawlada Somaliya.

Dalka Somaliya waxa ku sugan ciidamo ka socda dalalka Afrika si ay ula dagaalamaan ururka Al shabaab una taageeraan ciidamada dawlada

Comments are closed