Somaliya oo Ka Hadashay Wadahadaladii u Dhaxeeyay Somaliland Halka Ay Ku Danbeeyeen
Muqdisho,23Aug,2015(QJS/DN)-Wasiirkii hore Wasaaradda Garsoorka & Dastuurka Soomaaliya Md. Faarax Cabdiqaadir Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda Muqdisho ugu awood badan ayaa sheegay in aanay jirin wada hadalo u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo is taagay balse ay jiraan oo kali ah kuwii muuqday ee Turkiga oo hakad galay balse labada dhinac si weyn isugu xidhan yihiin oo ay jiraan xidhiidho u dhaxeeya Madaxda labada dhinac, Ganacsatada iyo culimada isaga oo sheegay in si weyn la isu dhex galay oo aanay jirin wax labada dhinac u dhaxeeya oo weyni lana midoobi dhawaan sida uu hadalka u dhigay.
Faarax Cabdiqaadir oo lagu waraystay Wargayska Xaqiiqo Times oo soo baxa Magaalada Muqdisho Soomaaliya, waxna laga waydiiyey halka ay ku dambeeyeen wada hadalladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay in la kala mashquulay oo kali ah, qolo walibana ku mashquulsan tahay xaalado gudaheeda ah balse dadku sida kale isugu soo dhawaadeen oo aad isugu xidhan yihiin isaga oo tusaale u soo qaatay xidhiidhada sii kordhaya ee u dhaxeeya Siyaasiyiinta labada dhinac, Ganacsatada iyo Wadadaada ama culimada oo uu sheegay in isku xidhkaasi iyo isu soo dhawaanshahaasi muujinayo rajo uu sheegay in ay qabaan ka maamul ahaan oo ah in Soomaaliya ku midoobi doonto Xukuumadda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho, sida uu masuulkani ku dooday.