|

Somaliland:Askari Toogasho Ku Dilay Muwaadin Reer Berbera Ah iyo Gadood Ay Dadweynuhu Sameeyeen Oo Xannibay Wadada Burco iyo Hargeysa

Berbera,30.Dec,2015(QJ/SDN)-Askari ka tirsan ciidamada Bileyska Somaliland ee magaalada Berbera ayaa toogasho ku dilay Alle ha u naxariiste, Axmed Jaamac (Mudhkasiiye).

Dilkan ayaa waxa uu xalay ka dhacay Xaafadda Finland ee Magaalada Berbera, waxaana Marxuumkan loo tuhmay inuu dhisanayay dhisme Sharci-darro ah, Waxaana halkaasi tagay Ciidan bileysa oo loo direy, Waxaana is af-dhaafay Marxuumkii iyo Ciidankii halkaasi tagay, mid ka mida Askartii halkaas tagtay ayaa waxa uu si badheedha u toogtay Axmed Jaamac,kadibna uu geeriyooday.

Dadweynihii degenaa Xaafadda Finland ee Magaalada Berbera ayaa ka gadooday dilka foosha xun ee uu Askarigu kula kacay Muwaadinka, Waxaanay Xanibeen labada Waddo ee Hargeysa Iyo Burco u kala baxda oo ilaa Imikadan xaniban.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in dilka marxuumkan loo xidhay Lix Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Magaalada Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, Waa Dilkii labaad oo bil gudaheed ka dhaca Magaalada Berbera, oo uu weliba geysto Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.

Comments are closed