Somaliland: Xuquuqda Aadamaha, Xorriyada Saxaafadda, Cadaadiska Caalamka, Doodda Xukuumadda Iyo Jawaabta Difaacayaasha
Hargeysa 02.May 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa kulan la yeelatay urruradda waddaniga ah ee u doodda xuquuqda aadamiga iyo kuwa caalamiga ah ee fadhiyada ku leh dalka, isla markaana kulankaas oo ka dhacay khamiistii xarunta wasaaradda Caddaaladda waxay masuuliyiinta xukuumadda ee ka qayb galay si wayn ugu cannaanteen u dooddayaasha xuquuqda aadamaha.
Wasiirka Caddaaladda Axmed Faarax Caddare oo kulankaa ka hadlay ayaa ku tirtirsiyay urrurada u olloleeya dhawrida xuquuqda aadamiga in warbixinaha ku saabsan wixii tacadiyo ah ee ay qoraan ay u soo gudbiyaan xukuumadda si wax looga qabto, la isulana saxo wixii khaldan. “waxa jira waxyaabo badan oo Somaliland u gaar ah oo aynaan la wadaagin dalalka jaarka ah, sidaa darteed wixii xog ah eek u saabsan xuquuqal insaanka waa in aynu wadaagnaa oo aynu iska shaki saaraa, warbixintana hay,adaha ay khusayso loo soo gudbiyaa” sidaa waxa yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaraddaa Khadar Axmed Diiriye oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb gashay kulankaa.
Dhanka kale masuuliyiinta urruradda xuquuqal insaanka waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah iyo waliba Ururka Solja ee ka qayb galay kulankaa ayaa iyana dhinacooda jawaabo waafiya ka bixiyay doodda xukuumadda oo la tilmaamay inay u dhacsay, inay danneeyayaasha xuquuqal insaanku bixiyaan sirro aan loo baahnayn, isla markaana siday tibaaxeen xoggo Ogaal ka soo xigtay illo u dhuun daloolay kulankaasi, masuuliyiinta urruradda xuquuqda aadamuhu waxay ka sheegeen fadhigaa, in aanay sir ahayn dhacdooyinka Somaliland ka dhaca ee saxaafaddu faafiso, caalamkuna casrigan uu yahay mid isku xidhan oo aanay wax u kala qarsoonayn. Waxa kale oo ay ka hadleen tacadiyadda dhanka saxaafadda madaxa banaan.
Sidoo kale Gud. Solja Maxamuud Cabdi Xuuto oo ka mid ahaa dadkii kulankaa ka qayb galay ayaa isna masuuliyiinta wasaaraddaa hor dhigay kiisas badan oo la xidhiidha tacadiyadda saxaafadda madaxa banaan lagula kaco, dacwado ciqaab ah oo lagu oogay hay,addo warbaahineed oo madax banaan iyo qaar la xidhayba, weriyayaal xidhan iyo kiiska weriye nin wasiir ahi gacan saaray oo dacwadiisii xeer ilaalintu ooday.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu tilmaamaa mid muddooyinkan dambe uu la deris yahay caddaadis caalami ah, kaasoo la xidhiidha dhawrida xuquuqda aadamiga, ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo suxufiyiinta, kuwaasoo loo arko in uu dalku ka marayo heerkii u hooseeyay xilligan, iyadoo hore albaabadda loogu laabay xarumo warbaahineed oo madax banaan, qaarna xayiran yihiin, qaar kalena lagu oogay dacwado ciqaab ah oo loo arko in loogu raad gadanayo in la aamusiiyo oo albaabadda loo laabo, sida wargeyska madaxa banaan ee Ogaal oo madaxtooyadu ku soo oogtay dacwad ciqaab ah.
Sidoo kale dadka u doodda xuquuqda aadamiga ee la socda xaaladda Somaliland ayaa shaki wayn ka qaba in talaabooyinkani bilow u yihiin cadaadis xukuumaddu saarayso urruradda u doodda xuquuqda dadka iyo xorriyadda qofka, taasoo u muuqata mid go,doon sii galin doonta dalkan aan dunnida ka tirsanayn aqoonsi ahaan, isla markaana sababtay cadaadiska caalamiga ah ee Somaliland la nooshahay.