“Somaliland Wixii Ay Ku Heshiisay Ayaa Sharci Ah, awooda ugu saraysa ee Somaliland waa shacbiga,Saleebaan-na Kama Weyna Sharciga” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe
Hargaysa 28.May 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay kulmeen Safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis ababa islamarkaana u sheegeen in arrinta muranka doorashada loo daayo dhinacyada ay khusayso ee Somaliland. Waxa uu sheegay inay raadinayaan xal ka yimaada gudaha Somaliland.
Guddoomiyaha oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay waxa uu yidhi “Waxaanu jecelahay in wixii aanu qabanaa noqoto waxaanu anagu gacmahayaga ku qabanay oo aanay noqon wax dibada nalagaga keenay. Waxani waa wax anaga noo yaala, wixii aanu ku heshiinayna waxaanu jecelahay in aduunkuna nagu caawiyo, markaa isna(Safiirka Ingiriiska) wuu qaatay, wuxuu yidhi “Anagu waxaanu jecelahay wixiinu inuu ahaado xal gudihiina ka yimaada oo anagu inaanu isku kiin soo dabaalo mooyaane faraha idinla soo gali mayno, wixii aad isku raacdaana gacan baanu idinku siinaynaa oo waa ku shaqaynaynaa”
isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Markaa waxaanu ku nidhi insha Allah waanu isku raacaynaa sidii caadada noo ahaan jirtay, anagoo wada socona oo gacmaha is haysana saddexdayada Guddoomiye ayaanu iman doonaa Nairobi oo aanu la kulmi doonaa bulshada caalamka, waxaanu jecelahay inaanu kuwa budka sita budka ka dhigno INSHA ALLAH. Waxaanu jecelahay inaanu shacbiga eegno oo aan siyaasiyiinta la eegin, mana ah in Shacbiga Somaliland oo wax badan qabsaday loogu hanjabo waxa yar ee aynu ka helo caalamka, waana in bulshada Somaliland la ixtiraamo, safiirkuna arrintaas si fiican buu u soo dhaweeyay, waad ogtihiin xalay in yar baanu ku kala kacnay oo Xisbiga kale nagaga tagay, intiina waanu dhamaynaynaa insha Allah oo bari ilaa saadambe waxaa iman doonta in saddexda Xisbi ku heshiiyaan wax umadda Somaliland ku faraxdo cadawguna ka naxo oo arrintan aynu ka gudubno arrimaha kale ee inoo yaalana u gudubno” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID sidoo kale waxa uu intaas ku daray “Waxaan leeyahay insha Allah khayr baa ii muuqda oo arrimuhu ku dhamaanayaan, Aduunkiina wixiina dhamaysta ayay yidhaahdeen idinkaanu idin sugaynaaye, markaa bulsho caalam ninkii u yeedhanayow ku quuso arrintu waa gudaheenee. Go’aanka guurtidu ma Qur’aan baa, Aayadaha Quraanka uun baan la bedeline, anagaa xaq u leh doorashada iyo dhinacyada ay khusayso, guurtida iyo gurigooda ayaa khatar gali doona waayo shacbigu ma ogola muddo kordhintan” ayuu yidhi Eng Faysal.
Guddoomiye Faysal ayaa sidoo kale ka jawaabay hadal Gudoomiyaha Guurtidu ku sheegay inaan laga noqon doonin muddo kordhinta guurtidu samaysay oo ah baarlamaan sharci “Somaliland wixii ay ku heshiiso ayaa sharci ah, Guddoomiye Saleebaan-na kama weyne sharciga, awooda ugu saraysa ee Somaliland waa shacbiga, shacbigu wixii uu ogolaado ayaana sharci ah, Saleebaan-nna sharciga kama sareeyo, waana Odaygaa weyn wixii wanaaga somaliland ah inaanu ka hor imanayn oo wixii lagu heshiiyaa waa wanaaga Somaliland”.
Hargaysa SDN/QJ