|

SOMALILAND WAXAY U BAAHANTAHAY WASIIRRO AJINABIYA OO AY SOO WAARIDATO ?

Waxa dhacda had iyo jeer ,marka ay arini inaga ribato , ama ay mushkiladi ina soo foodsaarto ,ama arini inoo suurto geli waydo ,in ay nugu noqoto caqabad laga gudbi kari waayo . waxa dhacda in loo yeedho khabiir ajinabiya oo dalka debediisa laga keeno . inaga oo aan isku deyin in aynu inagu arinka rogrogno ,xalna u raadino.
garaadka noocaas ah ayaa bulshooyinka dunida sadexaad oo dhan ku wada dhaqantaa ,inaguna (somaliland) waabaynu ka sii xagjirnaa .
oo shacab keenii oo dhami wuxuu wada aaminsanyahay in qurbuhu dalkooda ka fiican yahay , oo waxaynu wada noqonay SHACAB DHAN OO QAXOOTINIMO WADA QORSHAYSANAAYA , qof kastaana wuxuu uu heelan yahay sidii uu dalka uga dhoofi lahaa .
waxaynu wada ognahay in dhalinyaro fara badani ay tahriib galeen ,oo qaar badani ku haligmeen , qaar kalena weli wadadaa inay maraan oo naftooda ku khamaaraan u diyaar garoobayaan .. waxad kaloo arkaysaa haddii qof xanuunsado ama wax u baahdo , marka ugu haraysaba debedaha ayaa laga raadinayaa ,oo loo qaylo doon dirayaa .
waxaynu gaadhnay haddii koob galaas inaga jabo ,inaynu hay ad la sugno ama ugu qayladoon dirano….
Hadaba haddii aynu dhamaanteen wada aaminsan nahay in qofka ajinabigu wax inoo kaban karo ,oo aynaan inagu waxba qabsan karayn , maxaa diidaaya  inaynu debedaha iyo wadamada kale ka soo kiraysano , WASIIRRO IYO KHUBARO inoo wada shaqada iyo maamulka dalkaba .ilany waynu aragnaa in MAAMULKII aynu dooranay iyo WASIIRADII ba aanayy qaban karayn shaqooyinkii loo dhiibay .
waxaynu wada aragnaa inay WASIIRADEENII iyo hogaankii dalkuba ay asqatsan yihiin kuna mashquulsan yihiin sidii ay hantida qaranka u lunsan lahaayeen , … mid kastaana wuxuu u tafa xaytay sidii uu khilaaf iyo sawaxan siyaasadeed u abuuri lahaa  ,isagoo iska ilaaway shaqadii loo dirtay  .
SIDAA daraadeed waxay somaliland u baahan tahay ,inay soo waaridato soona kiraysato WASIIRO iyo KHUBARO AJINABIYA oo shaqada dalka u wada .
MATALAN waxaynu u baahanahay inaynu WASAARADDA WAXBARASHADA u dhiibano , mid aynu  kasoo kiraysano JAPAN .
WASAARADDA WARSHADAHA inaynu u dhiibano , mid aynu  kasoo kiraysano KOREA .
WASAARADDA MAALIYADDA inaynu u dhiibano ,mid aynu ka soo kiraysano GERMANY.
WASAARADDA SPORTIGA inaynu u dhiibano ,mid aynu ka soo waaridano BRAZIL .
WASAARADDA HAWLAHA GUUD u dhiibano ,mid aynu ka soo kiraysano SINGAPUUR .
WASAARADDA MACDANTA ITO BIYAHA u dhiibano ,mid aynu ka soo kiraysano NETHERLAND (HOLLAND) .
WASAARADDA CAAFIMAADKA u dhiibano, mid aynu  ka soo kiraysano SWEDEN .
WASARADDA BULSHADA IYO QAYSKA u dhiibano ,mid aynu ka soo kiraysano DENMARK .
WASAARADDA DALXIISKA u dhiibani ,mid aynu ka soo kiraysano DUBAI .
WASAARADDA XIDHIIDHKA CAALAMIGA  u dhiibano ,mid aynu ka soo waaridano INGIRIISKA .
WASAARADDA LACAGTA (BANKA) u dhiibano ,mid aynu ka soo kiraysano MARAYKAN (USA).
WASAARADDA XOOLAHA IYO DARYEELKOODA  u dhiibano ,mid aynu ka soo waaridano SPAIN .
WASAARADDA GANACSIGA u dhiibano ,mid aynu ka soo kiraysano CHINE .
WASAARADDA WARSHADAHA YARYAR u dhiibano ,mid aynu kasoo waaridano TAIWAN .
WASAARADDA BEERAHA u dhiibano ,mid aynu ka soo waaridano INDIA .
LIX WASAARADOODNA aynu gacanta ku haysano , oo laakiin cid u qalanta u dhiibno.
1-WASAARADDA ARIMAHA GUDAHA  2-WASAARADDA GAASHAAN DHIGA
3-WASAARADDA WARFAAFINTA  IYO DHAQANKA
4-WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA   5-WASAARADDA CADAALADDA
6- IYO WASAARADDA ARIMAHA DEBEDDA ee iminka dalka gelisay wareer iyo dibudhac  wayn , wasaaradan oo aanu soo marin ilaa iminka cid hawsheeda gudan karta ,kana soo bixi karta hawlihii looga fadhiyay ,lagana filaayay rajo fara badan .
Weliba waxaad ogaataan ,haddii aynu is nidhaahno  WASIIRADAN IYO KHUBARADAN AYNU SOO KIRAYSANAY AMA soo WAARIDANAY , kala kulmi mayno wax dhibaato ah inaynu ERINO ama BEDELNO ama SHAQADA KA QAADA ..
Halka iminka haddii wasiir shada laga qaado ,lagala  kulmaayo qaylo iyo sawaxan iyo reer hebel baa xanaaqay iyo hanjabaadyo fara badan oo yimaadda  ,iyo anagu dawladan ma rumaysnin ….
Hadaba waynu wada aragnaa garaad ka WASIIRADEENA qaar hore iyo kuwa iminka guulwadeeyaba ,iyo weliba garaad darada kuwa isku magacaaba inay yihiin mucaar , oo aad kasii werwerayso haddii ay xakumka qabtaan maalin maalmaha ka mid meesha ay nadhigi doonaan .
ILLAAHAY BUU DALKANU IYO DADKIISUBA TALO SAARTEEN ,SIDAA DARAADEED AL LA HA INOO SAHLO …AAAMMMIIINNN.
CALI MAXAMED BIIXI
CALI WELI

Comments are closed