|

“Somaliland Waxaan kala hadlaynaa inaan noqonno Maamull Jaar ah, Haddii Ciidanku baxana..” Cali Khaliif Galaydh DAAWO

Buuhoodle 26. December 2016 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay inay Somaliland ka wadahadlayaan sidii ay u noqon lahaayeen laba Maamul oo Jaar ama deris ah, waxaanu ka hadlay qodobbada ka soo baxay Wadahadalkii ay labada dhinac Toddobaadkii hore ku wada yeesheen magaalada Addis Ababa oo uu ka mid ahaayeen in Maamul-daadejin laga sameeyo deegaannada Khaatumo iyo in dib loo eegi doono Ciidammada Somaliland ee jiiddaa ku sugan qorshaha laga yeelanayo.

Waxa uu Cali Khaliif Galaydh Sheegay in qodobka Maamul-daadejinta oo dareen geliyey Dadka reer Khaatumo ay iyagu Khaatumo ahaan keeneen oo heshiiska hor-dhaca ah ee la isla gaadhay ku soo dareen.
Sidoo kale waxa uu sheegay haddii Ciidammada Somaliland ka baxaan deegananada Khaatumo ee ay joogaan in Beelaha Dhulbahante labalaba isu dili doonaan, in la yidhaahdo ka baxana ay masuuliyad-darro aan loo baahnayn tahay.

Cali Khaliif Galaydh, ayaa arrimahaas iyo arrimo kale-ba kala hadlay mar uu hadal ka jeediyey Kulan uu Buuhoodle kaga qaybgalay oo sidoo kale Su’aalo lagu weydiiyeyna uu kaga jawaabay. Waxaanannu hadalka Cali Khaliif idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed