|

“Somaliland, waxa naga dhexeeyaana waa Xabad iyo Dagaal, haddana kama taganin wixii wada hadal ah ee marwalba suurtooba inaanu u diyaar ahaano.” Cali Khaliif

Muqdisho:Feb,19,2015(SDN/QJ)-Cali Khaliif Galaydh oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, ayaa ka Hadlay wixii u qabsoomay Maamulkiisa iyo xidhiidha ka dhexeeya somaliland.

cali khaliifCali Khaliif oo warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay arrintiisu meel fiican marayso, isla-markaana uu dedaal ugu jiro sidii xidhiidh fiican ula yeelan Somaliland,

“Bishii August baa Madaxweyne La Ii Doortay, anna xukuumad baan sameeyey, In Badan baanu ku dedaalaynay inaanu Puntland iyo Somaliland wada hadallo la yeelano, Puntland-na dagaal toos ah oo ay nagu haysaa ma jirto, laakiin Somaliland Dagaal iyo xoog baanu wax ku muquuninaynaa bay leedahay, wixii marba nooga suurtoobana hawlaha waa ku jirnaa.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.

Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dhulkooda ay gacanta ku hayso somaliland, isla-markaana xabadd uu afka ku dhuftay ka sokow uu diyaar u yahay inuu wada Hadal la yeesho, waxana uu yidhi,

“Puntland dhul nagama haysato, ciidamo joogaana ma jiraan,Hawlahooduna waxay ku egyihiin inay sheegtaan in sool, sanaag iyo cayni kamid yihiin Distoorkooda, Laakiin ciidanka joogaa waa kuwa somaliland, waxa naga dhexeeyaana waa Xabad iyo Dagaal, haddana kama taganin wixii wada hadal ah  ee marwalba suurtooba inaanu u diyaar ahaano.”

Cali Khaliif ayaa hoosta ka xariiqay inuu wadayo dagaallada kooxaha maamulkiisa ku abtirsadaa ku hayaan Shacabka iyo ciidanka ku sugan halkaas, isagoo si gaar ah u carrabaabay inuu dhawaan Weerarro gaadmo ah ku qaaday Fadhiisimo ciidanka qaranka somaliland ku lahaayeen Deegaano ku yaalla Gobolka Sool.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed