Somaliland: Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Oo Goordhaweyd Iscasilay.
Hargeysa,28Oct,2015(QJ/SDN)-Wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumada Madaxweyne Siilaanyo MD Axmed Cabdi Kaahin ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu xukuumadda ka hayay.
Wasiirkan ayaa noqonaya masuulkii 14aad ee xukuumadda Axmed Siilaanyo iska casilay,iyadoo hore ay iskaga casileen 13masuul oo wasiiro,ku xigeeno iyo Afhayeenkii madaxtooyada ah.
Arintan ayaa ka dhalatay kadib markii la sheegay in Madaxwayne Siilaanyo taageeray Muuse Biixi oo ay iska soo horjeedaan Cabdicasiis Samaale,Maxamed Biixi iyo Kijaandhe.