SOMALILAND: Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Banaan Kaga Dhaqaaqay Himiladdii Umadda Ee Ictiraaf-raadinta,Kuna Mashquulay Arrimo Aan Shaqadiisa Ahayn
Hargeysa,19Aug,2015(QJ/SDN)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,ayaa si cad uga leexday shaqadiisii Wasiir-nimo,waxaana uu kaga mashquulay ol-ole Siyaasadeed oo uu ku badho-taageerayo Wasaiirka Madaxtooyadda Iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo ahaa shaqsigii ku dhaliyay inuu kusoo biiro Dagaalka ka dhanka ah Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay si weyn ugu loola-mayeen Musharax-nimadda Xisbiga KULMIYE,marka ay cadaato in uu Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay inuu mar labaad is-sharaxo.
Wasiirka ayaa intii uu hayay Xilka Wasiir-nimo ee arrimaha dibadda waxa si weyn hoos ugu dhacay Xidhiidhkii Somaliland iyo Beesha Caalamka,gaar ahaana Wadamadda jaar ah oo uu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyay Somaliland,isla markaas lagu tagi jiray Baasaaboorka Somaliland,waxaana dhawr jeer oo is-xig-xiga xidhay Soohdimaha ay la-wadaagaan Somaliland Dalalka Ethopia iyo Djabuuti,waxaana si qabaw,isla markaas aan af-dublumaasiyadeed ahayn uga hadlay Wasiirka,waxaana uu shacabka ka Jaahil-saari kari waayay Sababta keentay inuu Xumaado Xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ay Somaliland la-lahayd Wadamadda Jaarka.waji-gabaxii ugu danbeeyay ee Siyaasadda arrimaha Dibadda kasoo waajaha Wasiir Maxamed Biixi Yoonis,ayaa ahaa kii ay Midawga YURUB ku shaaciyeen inay ku xidheen Xafiiskoodii Magaaladda Hargaysa,kaas oo shaqaynayay tan iyo markii ay taabo-qaaday Qarani-madda Somaliland.
Wasiirka ayaa markii la magacaabay waxay Shacabka reer Somaliland si weyn ugu han-weynaayeen inuu ka midho-dhalin doono hanka iyo Himiladda shacabka reer Somaliland ee ah helidda Ictiraaf Caalami ah iyo ka mid-noqoshadda Beesha Caalamka ee la aqoonsan yahay.Balse rajaddaas umadda ayaa noqotay hal-bacaad lagu lisay,ka dib markii Wasiirkii arrintaas loo xil-saaray uu kaga mashquulay waxyaabo hoose oo ugu Liidatay Qabyaaladaynta Biyaha Hargaysa oo ahaa arrintii ugu fajaca badnayd ee ay shacabku liqi kari waayeen.
Haddana waxa Wasiirka Mashquuliyay inuu la kala safto Siyaasiyiinta ku loolamaya Hogaanka Xisbiga KULMIYE,kaas oo aanay muuqan door muuqda oo uu leeyahay,balse kali ah uu rabo inuu Muunad ahaan muuqdo Baarqabyadda isku haysta Xisbigaas.