|

Somaliland: Wariye Mary Harper oo booqatay xabaasha Marxuum Cawke

Wajale,24Nov,2015(QJ/SDN)-Wariyaha caanka ah ee BBC-da Mary Harper ayaa booqatay xabaasha Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ahaa wariye caan ah oo ay soo wadashaqayn jireen, iyadoo safarkaasi usoo gashay ixtiraamka ay ugu haysay Mihnadiisa iyo shakhsinimadiisa mudadii ay is yaqaaneen.

IMG_0064

Mary Harper oo ka soo degtay dalka Itoobiya waxay baabuur ku timi xabaasha Cawke oo ku taala xadka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan qarka shishe halkaas oo ay labada dawladood masuuliyiin ka socda iyo dadweyne farabadan oo ka kala yimi meelo kala duwan kaga qayb galeen jinaasadiisii.

Mary Harper oo hotelka Maansoor ugu warantay wargeyska Waaheen markii ay ka soo gashay safarkeeda ayaa tidhi “Waxaan Tacsi u dirayaa qoyskii, Qaraabadii iyo saaxiibadiisa iyo qof kasta oo yaqaanay oo dhan waxaanay ahayd geeri dareen leh oo taabatay qof kasta oo yaqaanay wayo dad badan baa yaqaanay, gaar ahaan anigu markii aan maqlay geeridiisa waxay noqotay inaan booqdo xabaashiisa una mahadnaqao. Waxaan ka soo duulay London, waxaan ka soo dagay Addis aba, waxaan imid Jigjiga, waayo mar hore oo aan imi Jigjiga isagaa I qaabilay, waxaan tagay hoteelkii waxaan usoo kicitimay wajaale, waxaan dul istaagay qabrigiisa waanan usoo duceeyey.

Laba shay baan ka odhan cawke, marka koowaad codkiisii waxa uu ahaa mid Dahabi ah, way fiican tahay inaan huteelkan Maansoor ka idhaahdo waayo markii iigu danbaysay anigoo makshinkayga fadhiya ayaan dibeda ka maqlay codkiisa, waxaan markiiba idhi codkaasi waa codkii cawke, waan soo dagaagay markii aan albaabka soo gaadhay waxa iga soo hor baxay Cawke waayo codkiiu gaar buu ahaa.

Ta labaad cawke wuxuu ahaa ni ay dadku isugu mid yihiin, waan ogaa Cawke in uu ka yimi Somaliland, qabrigiisa markaan tagayna wuxuu ku yaalay dhinac Itoobiya, markaan helay wararka xabaashiisana waxaan ogaaday inay dad badani yimaadeen oo masuuliyiin ku jiraan, waxa jirta siyaasiyiinta iyo dadku inay kala qaybsan yihiin, laakiin cawke cid walba saaxiib buu la ahaa.

Qoyskiisa aqoon badan baanu isku lahay, Aniga sharaf weyn bay ii ahayd inaan is naqaanay, waanan u ducaynayaa in uu ilaahay cafiyo” ayey tidhi

Mary Harper waa Tafatiraha Afrika ee BBC-da qaybta Africa, waana qoraa caan ah oo arrimaha Somalida wax badan ka diyaarisay.

 

 

Comments are closed