|

“Somaliland Waqtigii Laysku Yaac-yaacay Waxay Eedday Ereyga ‘Laysu Joojin maayo’ Waase Laysu Joojin Doonaa’e Madaxweyne Intaan UDUB Cududeeda Muujin Arrinta Hoos U eeg”

Hargeysa Sept 18,2012 (SDN/Hubaal)- Xildhibaano ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UDUB ayaa shir jaraa’id oo ay maalintii shalay ku qabteen xarunta Golaha Wakiillada Somaliland, waxa ay si kulul ugu cambaareeyeen go’aankii ay Guddidda Diiwaangelinta Ururradda Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranku ku laaleen musharaxnimadii xisbiga UDUB hore ugu caleemo saaray Cali Maxame Waran-cadde iyo Axme Xaaji Daahir Cilmi.

Xildhibaan Cabdi-raxmaan Maxamed Jaamac (xoog) oo ugu horrayn shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa dhaliil ballaadhan dusha ka saaray, Gudida Diiwaan Gelinta Urarada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka oo uu sheegay inay fal sharci darro ah oo dhabar jab ku ah xisbiga UDUB ku tallaabsadeen, waxana uu yidhi “ujeedada shirkayagan jaraa’id waxay daarrantahay fal sharci-darro ah oo ay Gudidda Diiwaangelinta Urarrada Iyo Axsaabta Qaranku kula kaceen xisbiga UDUB, taasina waxay gef cad ku tahay shuruucda iyo xeerarka dalka.

Gudidda Diiwaangelintu iyagoo todobadoodaba Madaxweynuhu keligii soo magacaabay ayey haddana umadda reer Somaliland u dulqaadatay, annana waanu ansixinay annagoo caddaalad iyo dhexdhexaadnimo ka eegayna, hales af-buuxa intay warqad qoreen warbaahintana mariyeen,ayey yidhaahdeen waxbaanu laalnay, taana xisbiga UDUB wuu ka ashkatooday oo madaxweynaha ayaanu warqad u qornay, waxanse maqlay wasiirka Warfaafinta oo leh madaxweynaha qalad bay warqadda ugu qoreen, Wasiirka waxaan leeyahay sharciga waxba kama taqaanid waaana xaq aanu leenahay inaanu jawaab helnaa.”

Xildhibaan Xoog waxa kale oo uu sheegay in Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta Qaranku ka degdegeen intii uu xisbiga UDUB ku howlanaa ansixinta go’aanadii golahooda dhexe ka soo saareen shirkii ay ku yeesheen Huteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, isaga oo sheegay inay waddo sharci ah mareen oo ay jiraan xisbiyo kale fudud Guddoomiyayaal iyo Musharixiinba u samaystay oo aanay cidi la hadal, waxana uu yidhi, “Nidaamka Axsaabtu waxa weeye shirka Golaha Dhexe marka la qabto, in markaa la geeyo shirweynaha oo laga ansixiyo, shirweynihiina lama gaadhin, manay sugin wayna ka degdegeen, waxayna baahiyeen in xisbigii la laalay, iyagoo musharrixiintii baanu laalnay, dadkuna waxay u qaateen in xisbigii la baabi’iyey, xisbiga KULMIYE goormaa la doortay Guddoomiyahiisa, si af ah baa laysugu wareejiyey, xisbiga UCID-na warqad baa loo qoray ninka musharraxa ka ah, markaa sidee baa UDUB oo Gole Dhexe fadhiistay oo shir qabsatay loo yidhaahdaa wixiina waa la laalay.”

Waxa kale Xildhibaanku oo uu sheegay in kala guurka loo kala guurayo axsaabta iyo ururada hadda jiraa ay qabyaaladdii dardar hor leh gelisay, isla markaana liciifisay dimuqraadiyaddii socod baradka ahayd ee Somaliland ka jirtay.

“Waxa la baabi’iyey Dimuqraadiyaddii, waxana lagu noqday qabyaaladdii, aniga iyo Daahir Riyaale isku beel maanaan ahayn balse waxanu isku raacnay dimuqraadiyad, imika todobadii dareeraaba nin reerkooda ah bay u tegayaan waxana guul-darro noqotay inaynu qabyaalad dib ugu noqono, anigu markaan imika suuqa marayo waxa laygu yidhaahdaa miyaanad WADDANI ku biirayn, miyaanad UMMADDA ku biirayn, macnaheeduna waa miyaanad reerkiina ku biirayn, kuwii naga tegeyna Ina BIIXI oo reerkoodii ah bay ku biireen, bahashii qabyaalad baa dib loogu celiyey Somaliland-eey dimuqraadiyadiina waa la baabi’iyey isagaana masuul ka ah ninka meesha fadhiyaa,” ayuu yidhi Xildhibaan Xoog.

Waxa kale oo u Xildhibaanku muujiyey sida ay muhiimka u tahay in lays dhegaysto oo tabashooyinka jira wax laga qabto, isagoo qaadhaan bixiyayaashana ugu baaqay inay ka feejignaadaan fidmo hor leh oo waddanka ka abuuranta, waxana uu yidhi, “somaliland waqtigii laysku yaac-yaacay waxay eedday ereyga laysu joojin maayo, waxanse leeyahay waa laysu joojin doonaa, qaadhaan bixiyayaashow waxan idin leeyahay xukuumadda maanta jirtaa dimuqraadiyadii taakay u dhigtay, sidaana doorasho ku dhici mayso maadaama xisbigii dimuqraadiyada soo barbaariyey sharci-darro lagu baabi’iyey, waxana aanu idin leennahay lacagtiinu yaanay fidmo na gelinin.”

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil oo isaguna goobta ka hadlay ayaa isaguna madaxweyne Siilaanyo uga digay inuu arrinta xisbiga UDUB dhayalsado isagoo deeq bixiyayaashana u sheegay inay hoos u eegaan doorashooyinka ay lacagta ku bixinayaan ee xisbiga UDUB laga saaray, waxana uu yidhi, ‘Madaxweynaha waxaan leeyahay intaanay UDUB cududeeda muujin,oo aanay mudaharaado dhicin,arrinta hoos u eeg, deeqbixiyayaashana waxan leehayay xaq maaha in lacag lagu bixiyaa meel xisbigii ugu weynaa doorashadii loo diiday.”

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye iyo Xildhibaan Baar Siciid oo iyaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa ku dooday inaanay Guddida Diiwaangelintu xaq u lahayn inay xisbigooda UDUB ka saaraan saaxadda siyaasadda, iyagoo sheegay inay xisbigoodu isagu go’aan ku gaadhay inaanay qayb ka noqon doorashooyinka golayaasha deegaanka ee soo socda oo ay qaadaceen cidina aanay ka saareen.

SDN/Hubaal-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed