|

SOMALILAND WAA WADAN 95% AY WAX UGA YIMAADAAN WADAMADA DIBADA HADANA HORUMAR AYAYNU RABNAA IYO MUHIIMADA WARSHADAHA INOO LEEYIHIIN

Somaliland  oo ah wadan aad balaadhan kaas  oo leh  dhulkii loogu talo galay waxbeerashada iyo booqashada ayaa hadana waxa aynu markasta wax ka sugnaa Wadamo dibadeed kuwaas oo  bari hore khayraadkoodii dhameeyay hadana  inoo soo sameeyo waxyaalo copy ah, cida aynu wax ka sugnaana waa Wadamo aan cadceedna arag ama sanadkii sadex bilood wax ka yar arka cad-ceeda iyo inagoo sanadkaba aragna cadceeda.

Hadana  wadamadaa aan cadceeda arag ayaa  inoo soo dhoofiya waxkasta oo aynu maanta isticmaalno kuwaas oo hargeisa si fudud looga soo saari karo laakin u baahan dadaal iyo investment iyo karti waxaan naxay booqday   MEEL SUPER MARKET AH OO AAN BOOQDAY  waxaan eegay alaabta inoo timaada oo intooda badan aynu kala soo dagno Dubai waxaana layaab igu noqotay markaan arkay in lay noo soo dhoofiyay faldiiq ama findhicil oo ah waxyaalaha ilmaha yar saamayn karo markaan baan naxay oo aan amakaagay oo aan iri oo kana muu  inoo soo dagaa,  anoo yaaban baan madaxa ruxay oo aan iri oo haddii findhicilkii inoo soo  dago maxaa inoo xala oo aynu caalamka kula tartanaa iyo markaan arkay beedkii oo  inooga yimaado yemen iyo turkey sidee ayaynu horumar ku gaadhi karaa?
Ta kale marka ay beeralaydeenu wax soo saaraan waxa ay haayaduhu sameeyaan in ay  keenaan raashin bilaasha oo kii aynu soo saaranayna cidla lagaga tago dabadeedna waxa la arkaa keenii oo qiimo dhacay kii wax soo saari lahaana waxay ku noqotaa niyo jab aanu ilaabi Karin khasaarihii uu la kulmay.
Wax soo sarkeena iyo beeralaydeena waxa hoos u dhigaya waa warshad la,aanta ina haysata  maxaa yeelay marka ay soo baxdo dhamaan qudradii kala duwanayd waxa yimaada hoos u dhac iyo qasaare ay galaan beeralaydu taas oo  sababta in ay niyo jabaan wax soosaarkana ay nacaan.

Sidaa daraadeed haddii la helo warshadihii lagu ridqi lahaa ninkasta oo beeralay ah waxsoosaarkiisa ayuu ku dadaali  lahaa in uu badiyo .
Runtii somaliland maanta haddii caalamka crisis ama bad xidhan ku dhaco maxaa ku dhici kara miyaan gaajo iyo cunto la,aan loo dhiman Karin ,miyaan noloshu adkaan karayn haddaynu markasta waxwalba ka sugno caalamka iyo Wadamo siday doonaan ka yeelaya waxay soo saarayaan.

Ta kale waxa xaqiiq ah haddii aad isku halaysid  in waxkastaa dibada kaaga yimaadaan waxa dhici kara dhibaatooyin aad u badan taasna waxa ka mida dadkii oo loo keeno alaab dhacday oo tayadeedu aanay wanaagsanayd.
Runtii dalkeena jaanis badan ayaa yaala oo ay kamid tahay xaga warshadaha oo aynu ka hanay 0.1% taasina waa ta sababtay in nolosha somaliland noqoto midaan qiyaasnayn oo is bedel badan oo maalinba maalinta ka dambaysa is badasha  iyo shaqo la,aanta oo badata .

Waxaana tusaale kuugu filan shirkada S.B.I IYO shirkadaha biyaha sida  DUR-DUR oo wax badan ka badalay nolosha somaliland .

Faaidooyinka warshadaha
Wax soosaarka oo bata
Dawlada oo ay korodho dakhligeedu
Magaca dalka oo caan noqda
In alaabkasta oo qaydhin loo badalo alaab la isticmaali karo
Shaqo abuuris
Horumar  oo kordha
Dhoofinta iyo soo dejinta oo badata
Baahidii bulshada oo yaraata
DHIBAATOOYINKA ALAABTA DIBADA LAGALA SOO DAGO
Disadvantage of exports: ———————————————————

Lacag badan oo kaaga baxda
Lumista alaabta
Dhibaato dhaqaale
Suuqa oo aanad war saxa ka helin
Alaabta oo burburta.
Wakhti badan oo kaaga luma

Sidaa daraadeed anigu shaqsi ahaan waxaan ku talinayaa in kor loo qaado in dalka wax lagala soo baxo oo dawlada iyo ganacsataduba ay dhiiri galiso cidkasta oo wax beeranaysa .

In ganacsatada waaweyn ay dalka keenaan warshado iyagoo eegaya kolba baahid jirta .

In la la yareeyo alaabta kala duwan oo lagu dhiirigaliyo dadka inay fikiraan oo farsamooyin keenaan.

In ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada dhamaysatay loo raadiyo deeq awxbarasho oo quseysa cilmiga industrialization ama cilmiga warshadaha.
N.B  BaL xagee ayaad ka helin cunto iyo alaab haddii maanta albaabada lagaa xidho?

Halka wadamada qaar ay 50 sano oo socday ay meel sii dhiigteen baahidooda iyo wixii ay ku noolaan lahaayeen.

W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

More about me
Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
Email: farxaanmxd@gmail.com
TELL: 252263–4400319
Hargeisa
Skype: Farxaan.mxd
Social activist
Thank you all
Post number:  RP62

Comments are closed