Somaliland : Waa Qaran Jirrido Adag ku Taagan oo aanay Ruxi Karin Koox ama Qabiil Meel ku Shiray
Hashii Geeddankeedii Rag badan Goodku ku Casheeyay
Gaashaandhigeedii Hashuu Galowgu Eedaamay
Guuraa Habeenimo Hashaan Gebi walba u jiidhay
Garre iyo Guntane Maalintay Gees isugu Booday
Gacmaa lagu Muquunshaye Xornimo Noogumay Garane
Garaad Midaan Lahayn bay la tahay Waad ka Gaagixine
Anagoon Gantaalaha Dhiciyo haysan Qori Gaaban
Hashaan Gaade Weynow Libaax uga Gaddoon Waayay
Inaan Goroyo Cawl uga Tagaa waa Hal soo Gudhaye
(Abawaan Cabdilaahi Suldan Timocade)
Inkasta oo mar kasta uu jiray cadaw ay Somaliland leedahay oo wajiyo badan leh, dhinacyo kala duwana ka soo jeeda, hadana cadawgaasi waxa uu ahaa mid mar kasta fashilma oo aan ku guulaysan dhibaato kasta ama shirqool kasta oo ay usoo maleegaan shacbiweynaha geesiga ah ee reer Somaliland oo ah shacbi jecel Horumarka, Nabadgelyada iyo Deriswanaaga ay kula noolaadaan dadyowga kala duwan ee ku nool mandaqada geeska Afrika iyo guud ahaan Dunidaba.
Waxay ahayd Sanadkii 1988kii Markii Dawladii manaxaanka ahayd ee uu hogaaminayay kaligii taliyihii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre oo adeegsanaya quwadii ciidan iyo dhaqaale ee ay Soomaaliya lahayd oo ay waliba taageerayaan dawlado shisheeye ay isu soo bahaysteen inay dabargooyaan oo ay xidida u siibaan beeshii SNM ku ab tirsanaysay, iyaga oo xasuuq culus u geystay deegaanadii ay ku noolaayeen dadweynahaasi sida magaalooyinkii waaweynaa ee Hargeisa iyo Burco oo kale.
Nasiib wanaag shacbigii SNM taageerayay oo Allahooda kaashanayaa waxay burburiyeen cadawgii isu soo bahaystay xasuuqooda, waxaanay duhur dharaareed Jilbaha dhulka u dhigeen Dawladii Soomaaliya oo ka mid ahayd dawladaha Afrika ugu quwada weyn, waxaanay gacanta ku dhigeen guud ahaan gobaladii Waqooyi oo dhan, waxaana halkaas ku burburay Taliskii shaydaaniga ahaa ee qabiilka ku salaysnaa ee Siyaad Barre, waxaana maamulkii sare ee dawladaas iyo gacan-yaraasheedii ay noqdeen wax dhinta, wax dhaawacma, wax gacanta lagu dhigo iyo wax orod ku gala xeryaha qaxootiga ee Kenya iyo kuwo tiro yar oo wadamada Yurub iyo Amerika u cararay.
Saamaxaadii ururkii SNM iyo Dhismihii Somaliland
Sida caadada u noqotay wadamada Afrika waxaa dunidu ay filaysay in ururkii SNM uu cagta marin doono kana aarsan doono Beelihii taageeri jiray daaquudkii Siyaad Barre, nasiib wanaag hogaankii SNM ee geesiyaasha ahaa waxay ku dhawaaqeen Saamaxaad buuxda iyo Nabadgelyo ay u fidiyeen beelihii aan SNM ahayn, waxaana shirweynihii BURCO ee bishii MAY ay beelaha Somaliland oo dhami ay isugu yimaadeen ay ku dhawaaqeen Madaxbanaanida Somaliland.
Mudada labaatanka sanadood kor u dhaaftay ee ay Somaliland jirtay waxay soo martay marxalado kala duwan, waxaana ka horyimi cadaawad badan oo ay qaar ka mid ah Dawladaha deriska ah iyo kuwa Carabtu ay kala hor yimaadeen in ay Somaliland hano qaado, waxaana la saaray cunoqabatayn dhaqaale oo xaga dhoofinta xoolaha ah, si loo ragaadiyo dhaqaalaha Somaliland, waxaana geed dheer iyo mid gaabanba uu u fuulay cadawga Somaliland sidii loo bakhtiin lahaa Nuurka Somaliland ee ka iftiimay geeska Afrika, waxaana Allah mahadi haka gaadhee ay Somaliland maanta gaadhay heer lagu faano oo ah in ay Somaliland maanta tahay Qaran buuxa oo leh Awwood Dhaqaale, Awood Siyaasadeed iyo Awood Millatari oo ay ku ilaashadaan Qaranimada Somaliland iyo Xornimada macaan ee ay hadhsanayaan oo lagu waraabiyay dhiiiggii daahirka ahaa ee kumanaan geesi.
Cadawgii Somaliland wali may quusan, Caqlina umuu Kordhin!
Kuwo tiro yar oo qurbaha nafta ula cararay markii la riday Xukuumadii dhagarqabaha ahayd ee Siyaad Barre ee ay ka tirsanaayeen oo wali uu nacaybkii ku jiro oo aan fahmin in dadweynaha Somaliland ku wada nooli ay walaaloobeen, horumarna ay higsanayaan kana gudbeen qabyaalad iyo qoysnimo oo ay dhisteen Qaranka Somaliland ayaa beryihii danbe waxaa hunguri galiyay maamul goboleedyadii Soomaaluya ay sanadkii lasoo dhaafay kaga dhawaaqayeen kuwo asqaysan oo qurbaha joogaa, waxaana lagu war helay kooxo kolba intay shir qabsadaan sheegta inay ku dhawaaqaan maamul goboleed, waxaana ka mid ah koox tiro yar oo isku sheegta Awdal State iyo kuwo ku hamiyay Darwiish State. Inkasta oo ay yihiin magacyo madhan oo aan meelna ka jirin.
Shirka Khaatumo ama Khaatumo Xumo
Maamul Goboleed ? Timirtii Horeba Dab loo Waa!
Mayd Maxaa u Danbeeyay iyo kaa la sii sido! Koox qurbo joog ah oo dalka ka cararay sandkii 1991kii oo uu horboodayo Cali Khaliif Galaydh oo ah siyaasi taariikhdiisu ku suntan tahay musuqmaasuq iyo kooxo la socda oo aan waligood la sheegin waxtar ay u geysteen deegaamadii ay ka yaaceen ayaa waxa shir uu beryahan danbe uga socday tuulada Khaatimo oo ay ku taallay Qalcad uu ku dhuumaalaysan jiray wadaadkii Waalnaa ee Maxamed Cabdille Xasan, inkasta oo ay beel kasta oo Somaliland ahi xaq u leedahay inay danahooda ka shiraan, ayaa shirkan waxaa afduubtay kooxdan qurba jooga ah oo iska dhaadhiciyay inay Maamul Goboleed faalso ah ay ku dhawaaqaan si ay ugu noqoto salaan ay ku fuulaan sidii ay xilal uga heli lahaayeen dawlada taagta daran ee labada Sharriif. Kooxaha shirka Khaatumo abaabulay oo badankoodu caydha ka qaata dalalka reer galbeedka ayaa todobaadyada soo socda dib ugu laaban doona dalalkii ay ka yimaadeen iyaga oo dhibaato hor leh kaga sii tagay deegaanadooda oo markii horeba uu dib u dhac weyni ka muuqday. Mana jirto Wax macno ah oo uu soo kordhinayo ama uu tarayo magac been ah oo koox yari meel ay kaga dhawaaqaan, sanadkii ina dhaafay in ka badan Labaatan Maamul goboleed ayaa lagu dhawaaqay mana jiro mid hano qaaday oo hir galay, kan kooxdani ay ku dhawaaqdayna waxba kama duwana kuwaas, mana jirto wax raad ah oo ay ku yeellan doonto Somaliland oo ah Qaran isku kalsoon oo awood buuxda u leh difaacida xuduudihiisa Dhuleed, Badeed iyo Cireed, waxaana lagama maarmaan ah in dadweynaha ay marin habaabinayaan kooxahan qurbo-jooga ahi ay ka digtoonaadaan, kana hor tagaan fidnada ay hurinayso kooxdan oo Cadawga Somaliland uu adeegsanayo.
Digniin Ku Socota Dawlad Ku Sheegta ku Meel-Gaadhka ah ee Soomaaliya
Waxaan Shaki ku jirin in kooxda sheegata Dawlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya ay si aan gabasho lahayn faraha ugula jiraan arrimaha gudaha ee Somaliland, iskuna dayayaan inay fidno iyo fadqalalo ka abuuraan gudaha Somaliland, Sidoo kale waxaa muuqata in maamulka taagta daran ee Muqdisho uu si toos ah gacan saar ula leeyahay kooxaha fidnada ka hurinaya Somaliland, waxaana Sheekh Shariif hore uu kulamo Muqdisho kula yeeshay hogaanka ururka argagixisada ah ee SSC isaga oo imikana Muqdisho uu maamulkiisu kusoo dhaweeyay ninka sheegta inuu madaxda u yahay waxa loogu yeedho Awdal State.
Waxaan usoo Jeedinayaa uguna baaqayaa maamulka Taagta daran ee Sheekh Shariif inuu faraha kala baxo kana waantoobo Nabadgelyo darrada uu ka abuurayo gudaha Somaliland, waxaana lagama maarmaan ah in dhibaatadii ay Somaliya u geysatay shacbiga reer Somaliland in aanay dhibaato kale ugu darin. Haddii uu Maamulka Sheekh Sharriif joojin waayo Faro-galinta uu ku hayo Somaliland, waa in uu ogaadaa in reer Somaliland ay yihiin Qaran awood u leh inuu is difaaco, talaabo qadhaadhna ka qaadi doono maamulkiisa taagta daran ee maganta u ah dawladaha shisheeye ee gacan ku rimiska ah.
Talo ku Socota Shacbi weynaha reer Somaliland
Waxaan usoo jeedinayaa dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay gacmaha is qabsadaan una middoobaan sidii ay u ilaashan lahaayeen Qaranimadooda iyo Madaxbanaanidooda oo ah mid aan ku iman si sahal ah, waxaa lagama maarmaan ah inay is garab taagaan Dawladooda iyo Madaxweynahooda Geesiga ah Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah siyaasi aragti fog oo awood u leh in uu dalka Somaliland gaadhsiiyo Barwaaqo iyo Horumar iyo Aqoonsi buuxa oo ay Somaliland hesho.
Ugu danbayn waxaan u sheegayaa cadawga Somaliland in ay Somaliland tahay Qaran Jirrido adag ku taagan oo aanay marnaba ruxi karin kooxo ama qabiilo meel ku shiraa.
Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK
kaysar@europe.com