‘’Somaliland Waa Inay Weerarada Ka Daysaa Khaatumo, Hadday Ka Dayn Weydo Waanu Iska Celinaynaa,’’Jen.Moorgan
Hargeysa,6Dec,2015(QJ/SDN)-Jen. Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo xilal kala duwan oo dhinaca gaashaandhiga kasoo qabtay Dowladdii Kacaanka Ee Maxamed Siyaad Barre oo xigto hoosaad hoose ay ahaayeen, ayaa Dowladda Somaliland usoo jeediyay inay Ixtiraamto Maamulka Khaatumo isagoona Somaliland ka codsaday inay weerarada ka deyso deegaanada Maamulka khaatumo oo assal ahaan ka tirsan Somaliland.
Jen.Moorgan ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayay xaflad Khaatumo ay ku qabsatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ‘’Waxaan leeyahay Khaatumo State Somaliland waa inay ixtiraamto xuduudyada, inay ixtiraamto maamulka cusub, inay weerarada joogtada ah ka dayso,..’’ ayuu yidhi Jen.Moorgan.
Dhanka kale, Jen.Moorgan ayaa sheegay haddii Somaliland ay ka dayn weydo dagaalka deegaanada Khaatumo inay iska celin doonnaan oo ay la dagaallami doonnaan ‘’Ninkii na gardarraysta waanu iska celinaysaa Ninkii Nabad na siiyana Nabad baanu siinaynaa,’’ ayuu yidhi Moorgan.
Ugu danbeyntii, Hadalkan kasoo yeedhay Jen.Moorgan ayaa u muuqda mid uu colaad ku dhex dhigayo dadka walaalaha ah ee reer Somaliland, isagoona Moorgan sheegay in dagaallo ay ka socdaan deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn, balse inta aanu ognahay aanay jirin wax colaad ah oo halkaasi hadda ka taagan.
Si kastaba ha ahaatee, Jen. Moorgan ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu sarreeyay ciidamadii millitariga ee dowladdii kacaanku usoo dirtay gobolada Woqooyi (Hadda Somaliland), kuwaas oo xasuuq ba’an ka gaystay deegaanada Somaliland gaar ahaan Magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.
Muuqaalka:RIIX