|

‘’Somaliland Waa Dalkaygii Waan Jeclahay Waa Meeshaan Ku Dhashay Xudduntaydiibaa Taalla,’’Marwo Foosiya, Wareysi Xiiso Badan DAAWO

Hargeysa,11Dec,2015(QJ/SDN)-Wareysigan lala Yeeshay Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa waxa ay kaga hadlaysaa arrimo badan oo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya iyo Somalilandba, iyadoo wareysiga gudihiisa ku sheegtay inay jeclaan lahayd midnimada labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo Horey wasiirka arrimaha dibadda uga soo noqotay dalka Soomaaliya, ayaa hadda waxa ay ka tirsantahay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoona horay uga mid ahayd madaxdii ururadii Siyaasadda ee Somaliland balse tartankii la galay ku hadhay ka dibna aaday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya halkaas oo intooda badan loo magacaabay xilal kala duwan.

Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa wareysigan dhexdiisa ku sheegtay in dadka reer Somaliland ay caalamka intiisa kale iska xidh-xidheen, iyadoo xustay in dhaqaale badan oo Somaliland la siin lahaa aanay ka faa’daysan.

Xildhibaanad Foosiya waxa kale oo ay sheegtay in mashaariic horumarineed oo intii ay xilka wasiirka arrimaha dibadda ay haysay looga soo ballan qaaday in Somaliland loo qaban doonno, mashaariicdaas oo ay ka mid ahayd dhismaha wadada Ceerigaabo, Balse dadka reer somaliland ay ka diideen in ay u dhisto waa sida ay ku dooddaye.

Dhanka Kalle, Xildhibaanad Foosiya ayaa sheegtay inay Somaliland jeceshahay oo ay tahay meeshii ay ku dhalatay isla markaana aanay marnaba illaabi karin Somaliland.

Haddaba wareysigan Oo uu la yeeshay Fogaan-araga Star Halkan Hoose Ka Daawo;

Xidhiidh La Leh; Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Sheegtay Inay Soomaaliya Iyo Somaliland Midayn Lahayd.

Hargeysa, Soomaalilaan

Somalidiasporanews

Comments are closed