Somaliland: Toorriyaha Iyo Soodhadhka Oo Laga Mamnuucay In Magaalooyinka Lagu Dhexmaro
Hargaysa:Oct,30,2014(SDN/QJ)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay tallaabo adag ka qaadi doonto qofkii lagu arko noocyada Hubka Fudud, sida Mindiyaha, Soodhadhka iyo Baastoolada oo suuqyada lala dhexmaro meelaha qaarkood.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo isagu arrintan ka Hadlay ayaa tilmaamay in wasaaraddiisa iyo Maxkamaduhu ku heshiiyeen in xukun degdeg ah lagu ridi doono qofkii mindi lagu arko isagoo suuqa dhexdiisa ku sita, iyadoo arrintaasna si dhakhso ah loo hirgelin doono.
“ laga bilaabo Maanta wixii ka dambeeya qofka Mindi lagu arko ee aanay hudheel ama guri oolin, ama aan hilib ku cunaynin isagoo suuqa dhex sita, waxaa la xidhi doonaa bilo badan, waananu ka heshiinay arrintaasi maxkamadaha, sida uu xeerku tilmaamayo ayaana lagu xukumi doona, waxaanan leeyahay qof hilib ku cunaya mooyee qof kale oo dibadda la maraya lama arki karo,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.
Wasiir Warancadde waxa uu tilmaamay in Baadhitaanno lagu samayn doono Goobaha daddku iskugu yimaadaan, sida babaska oo kale si aan loo arag qof dambe oo mindi suuqa lasoo aada, “Waxaa la baadhi doonaa dadku marka ay basaska fuulaan, ciidamadda CID-da ayaa raaci doona basaska, marka ay ka degayaan ayaa la baadhi doonaa, ninka reer miyiga ahi gurigiisa ha kaga yimaado, marka uu magaalada soo galana meel baydhsan ha dhigto.”ayuu yidhi wasiirku.
Shacanka reer somaliland intooda badani gaar ahaan kuwa Goobaha Miyiga ah kasoo gala magaalooyinka ayaa waxa ay sitaan toorriyo iyo agab kale oo hub ah, waxana ay suuqa dhexdiisa la maraana toorriyahaas inta badan.
Ma Fududa in dadka loo diido qaadashada Toorriyaha, maadaama ay taasi u baahan tahay ciidan badan oo baadhitaano sameeya iyo xukunno adag oo lagu rido cidda lagu arko iyagoo sharcigaas ka horimanaya.
Meelo kamid ah Gudaha somaliland oo Gobolada Bariga u badan waxa ay dadku si caadi ah iskaga sitaan Hubka fudfudu, waxana meelahaas lagu arkaa Dilal si fudud uga dhacaya inta badan.
SDN/QJ