|

Somaliland: Taayiro Lagu Gubay Wadooyinka Magaalada Berbera

taayir

Berbera,20,6,2016 (QJ/SDN) – Waxa Saaka subaxnimadii lagu waabariistay magaalada Berbera Taayiro tira badan oo lagu gubay Wadooyinka halbawlaha ah ee magaalada iyada oo lagu jiro xiligii dabayl xagaada oo dabkuna halis yahay sida uu ufidaa.

Taayirada la gubay ayaan ilaa hada la garanayn cida gubtay ee dabka qabadsiisay waxse loo malaynayaa inay ka danbeeyaan dad kasoo horjeeda wareejinta Dekeda Berbera ee lagu wareejinayo shirkada laga leeyahay dalka isutaga imiraatka Carabta ee DP World iyada oo ay magaalada Berberana ku sugan yihiin Engineero iyo Khabiiro dhinaca Qiimeynta Dekeda ah oo ay shirkadaasi DP World soo diratay si ay ugu qiimeeyaan Dekeda berbera dhinac kasta kuwaas oo ilaa shalay Dekeda Berbera u indha indhaynaayay Xafiisyada iyo qaabka Maamul ee Dekeda Berbera sidoo kale ilaa shalay waxa magaalada Berbera lasoo buuxdhaafiyay Ciidamo aad u tiro badan oo lagu daadiyay daafaha magaalada iyo Gudaha Dekeda berbera kuwaas oo laga soo daabulay dhinaca caasimada Hargeysa.

Ciidamada booliska Berbera iyo kooxaha la dagaalanka aafada dabka oo iskaashanaya ayaa ilaa saaka subaxnimadii hore ku hawlanaa daminta ama bakhtinta taayirada gubanaayay ee lagu gubaya Jidadka waaweyn ee Berbera sidoo kale waxa isaguna goobaha dabku ka baxaayay ee la bakhtinaayay joogay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed.

Waxa kaloo kamida goobaha loo malaynayo in dabka la qabad siiyay agagaarka guriga kastamka Berbera lahaan jiray ee hadana dhismaha laga wado oo goob ka hooseysa oo uu buux dhaafiyay Geedka garan waagu iyana dab la qabad siiyay waxse bakhtiiyay Ciidamada booliska Berbera iyo Kooxaha ka hortaga aafada dabka ee dawlada hoose iyo Dekeda Berbera oo heegan xoogan la galiyay.

Comments are closed