Somaliland: Suxufi American Ah Oo U Ololeeya Liwaadka Oo Ku Sugan Magaalada Hargeysa
Hargeysa, 2,5,2016 (QJ/SDN) – Anderson Cooper oo ah suxufi caan ah oo ka tirsan warbaahinta dalka Maraykanka gaar ahaan Telefishanka CNN ayaa dhawaan soo gaadhay Somaliland gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.
Suxufigan caanka ah ayaa waxa kale oo uu caan ku yahay waxa loo yanaanno [Gay Marriage] ama guurka dadka isku jinsiga ah, isagoona arrimahan si wayn ugu ololeeya isla markaana qoraallo iyo muuqaallo uu arrimahan kaga hadlayo sameeyay.
Anderson Cooper waa soo saaraha barnaamijka la yidhaahdo 360 kaasi oo inta badan lagaga hadlo arrimaha siyaasida, inkastoo la sheego in uu jiro barnaamij kale oo uu isna soo saare ka yahay kaasi oo la yidhaahdo Gay agenda programme, barnaamijyadaasi oo ka baxa isla Telefishanka CNN.
Ninkani ayaa qirtay inuu yahay qof (Gay) ah sannadkii 2009kii markaasi oo uu saaxiibkii u ogolaaday inuu baahiyo email uu u diray oo uu arrintani kaga hadlayo. Sidan si lamid ah waxa Wareysi uu bixiyay horraantii bishii lasoo dhaafay ee April (4,April.2016) kaasi oo uu siiyay CBS Sunday Morning uu daaha kaga qaaday isla arrintan, sidoo kale waxa wareysigan ku wehelinaysay hooyadii oo iyana isla arrimahan ku shaqo leh ahna islaan Lesbian ah. Waxaa kale oo la sheegaa in walaalkii uu is dilay markuu u adkaysan waayay dhaqan xumadda hooyadii oo iyadu arrimahani si wayn uga hawl-gasha.
Sababta joogitaanka ninkan suxufiga ah ee Somaliland lama yaqaanno illaa hadda, balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu jiro xidhiidh uu lasoo sameeyay jaamacadda Abaarso Tech taasi oo uu barnaamij Documentary ah uu ka duubayo jaamacaddaasi, wallow aanay jirin meel ay si rasmi ah arrintaasi ugu sheegeen maamulka jaamacaddu.
Mr.Cooper ayaa bartiisa Twitterka uu ku leeyahay soo dhigay sawir muujinaya kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah gabdhaha magaalada Hargeysa inkastoo ujeedada kulankaasi aanu sheegin.
Dhanka kale, sanadkii hore ayay ahayd kaddib markii gabadh lagu magacaabo Jude Kulley oo iyaduna ka shaqaysa arrimahan [Guurka isku jinsiga ah] la sheegay in ay soo gaadhay magaalada Hargeysa iyadoona halkaas kulamo kula yeelatay qaar ka mid ah gadhaha reer Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee, shakhsiyaadka noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu dhex arkaa Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa, iyadoona aan la ogayn ujeedka dadkaasi ay u yimaadaan dalka.
Been on assignment in #Somaliland. Thanks for all the love about #NothingLeftUnsaid and #TheRainbowComesAndGoes pic.twitter.com/CUwieYjAVQ
— Anderson Cooper (@andersoncooper) May 1, 2016