|

Somaliland: Saraakiil Tiro Badan oo ka Tirsan Ciidamada Kala duwan oo Xabsiyada loo Taxaabay Ka dib Saluug ay Ka muujiyeen Derejooyinkii la siiyey.

ciidankaHargeysa:10-Aug-2013(SDN)Ilaa intii ciidamada kala duwan ee Somaliland la siiyey Derejooyinka, waxa soo baxaya Muran iyo Guux badan oo qaar ka mid ciidamadu ka muujiyeen Saamiga ay Heleen Derejooyinka.

Saraakiil farabadan oo aan la magacaabin ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in xabsiga la dhigay ka dib markii ay ku qanci waayeen Derajadii la siiyey, iyadoo waliba ilo-wareedyadani intaa ku dareen in maxkamada lala tiigsan doono cid kasta oo Guux ka keentay Derejada ay Heshay.

Guuxa Ugu  Badan, ayaa waxa uu ka dhex aloosan yahay Ciidanka Booliska Somaliland oo la sheegay in qaab  aad looga yaabay loogu qaybiyey Derejooyinka, waxana  muuqata Taliyayaal qaybeed iyo Kuwo saldhigeed oo Askartii ay xukumayeen ka derejo Hooseeya, taas keentay inay saraakiishaasi si aad ah uga biyo Diidaan qaabka wax loo siiyey,

Saraakiil badan oo Boolis ah ayaa iyagu gacan-ka-hadal kaga jawaabay saluugga ay qabaan, waxana la isugu daray   Xadhig iyo hanjabaad ah in maxkamdda ciidanka la geyn doono oo lagu qaadi doono sharciga u yaalla ciidanka.

Ilaa haatan ciidanka Somaliland waxa derejooyinka loogu qaybiyey qaab qarsoodi ah, lamana hayo wax faahfaahin ah oo ku saabsan tiradda ciidan kasta laga siiyey derejo, inta saraakiil ah iyo inta ka hoosaysa waxana taasi ay dad badan gelisay warwar ah inay jiraan wax badan oo la qarinayo oo aan jawaab loo haynine.

Ilo-wareedyo ay heshay Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in lagu wargeliyey ciidankii derejooyinka la siiyey inay muhiim u tahay inay ku qancaan haddii aanay taas yeelayna meesha kaliya ee u caban karaan ay tahay maxkamad, taas oo caqabad ku noqotay ciidan badan oo haatan dibinta qaniinsan islamarkaana aaminsan in xaqoodii la duudsiyey.

Qaabka haatan ciidanka derejooyinka loo  siiyey ayaa ah mid isku dhex qasan oo aan loo Eegin xilalka ay hataan ciidanka derejooyinka la siiyey, waxana jira saraakiil ciidanka ay hogaamiyaan ay ka buuxaan rag iyaga ka derejo sarreeyaa, waxase la filayaa in dhawaan si taas loo daweeyo nin walba la geeyo meel ku haboon derejada uu xidhan yahay.

Qaybinta Derejooyinka ciidanka ayaa ahayd caqabad weyn oo Dawladihiii kala horreyey ee Somaliland ka soo talin jirey ay ku soo guuldarraysteen inay bixiyaan, waxase maanta Taariikhda ku gashay xukuumadda Siilaanyo, waxase looga baahan  yahay inay haatanna ka galgalato wixii caqabado  iyo saluug ah ee kaga yimaadda qaabkan ay wax u qaybisay.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

mawliidguure@yahoo.com

Hargeysa/somaliland

 

Comments are closed