Somaliland: Saldhigii Imaaraadka oo Hawlgaladiisii Millatari ka Bilaabaya Madaarka Berbera
Dubai 02. June 2017 (SDN/QJ):- Saldhigga dawladda Imaaraadku ka furanayso Somaliland ayaa dhawaan bilaabi doona hawlgaladiisii millatari, sidaasna waxa sheegay warbixin lagu daabacay mareegta The New Arab.
Warbixintan waxa lagu faahfaahiyay ujeeddooyinka laga leeyahay Saldhigan, waxaana soo turjumay Cumar Maxamed Faarax Waxaanu warkaasi u qornaa sidan:-
“Saldhiga Millatari ee dawladda Imaaraadka carabtu ka furanayso Somaliland, ayaa dhawaan shaqadiisa bilaabi doona, sida uu Jimcihii sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire.
Saldhigan oo laga dhisayo magaalada Berbera ayaa 100km dhinaca waqooyi bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.
“Ma rumaysnin in isticmaalka saldhiggani uu mandaqada u horseedi doono xiisad iyo khilaafaad,”ayuu Sacad Cali Shire u sheegay idaacada codka Maraykanka ee Voice of America.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray; “UAE waxay saldhig millatari hore ugu lahayd Magaalada Assab ee Eritrea, kaas oo imika shaqeeya. Saldhiggan Berberi se ma noqon doona mid soo cusubnoonaysiiya xiisad hor leh.”
Dalalka jaarka la ah Somaliland sida Itoobiya iyo Jabuuti, ayaa hindisaha saldhiggan diidanaa markii ugu horreysay ee sheekadiisu soo baxdayba, laakiin waxay u muuqdaan inay beddeleen siyaasadoodii ku wajahnayd saldhigaas, waxaa la soo weriyay in Itoobiya loo ogolaaday inay dekedda isticmaasho marka si buuxda loo dhiso.
Wasiir Sacad wuxuu sheegay inuu fikirkiisii u beddelay sababo la xidhiidha arrimo dhaqaale dartood, waxaannu yidhi; “Heshiiska Imaaraadka carabta (UAE) ay ku isticmaalayaan madaarka iyo Dekedda Berbera millatari ahaan. Waxay dawladda Imaaraadku ka dhisi doontaa Somaliland waddooyin, Madaar cusub,waxaanay maalgelin doontaa adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo tamarta.”
Mr. Shire, waxa uu intaas ku daray in saldhiggan loo adeegsan doono tabobarrada hawlgalada millatari.
Dekedda Berbera waxa maamuli doonta muddo 30 sannadood ah shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World.
Turkigu waxa uu dhawaan ka furtay saldhig millatari caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaannu saldhigaas u isticmaali doonaa tababarrada ciidammada la dagaalamaya Al-shabaab.
Danjiraha dawladda Imaaraadka carabta u fadhiya UK, Hamid Almazroui, ayaa sheegay inaanu jirin wax tartan ah oo u dhaxeeya quwadaha shisheeye ee ku sugan Soomaaliya, waxaannu yidhi; “Dhammaantayo waxaannu ka shaqeynaynaa burburinta al-shabaab, sidaas darteed, markaa sidee ayaanu u tartamaynaa?”
Somaliland ayaa shaacisay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya 1991-kii.”