Somaliland : Salaadda Ciidda oo Haatan si weyn la iskugu Diyaarinayo
Hargeysa:8-Aug-2013 (SDN)Dhamaanba shacabka Reer Somaliland, ayaa si weyn Maanta ugu diyaargaroobayo Tukashada Salaadda Ciidda, iyadoo ay ku Naaloonayaan Amni iyo Farxad Dheeri ah.
Guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, ayaa haatan laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada shacabku ugu diyaargaroobayaan maalintan, waxana dhamaanba Masaajidada ku yaalla Somaliland ka yeedhaya Takbiirta Diiniga ah loo jideeyey in lagu dikriyo maalintan farxadda weyn u leh dhamaanba dadka muslimiinta ah ee Caalamka ku Nool.
Dhinaca Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo iyada ay ku Nool yihiin shacabka ugu badan, ayaa Haatan oo Aroor Hore ah, waxa ka muuqata socod badan iyo mushaax dheeri ah oo ay dadku ku sii socdaan dhinaca Garoomada waaweyn iyo qaar ka mid ah masaajidada waaweyn ee loo qoondeeyey in lagu guto salaadda ciidda.
Madaxda Somaliland, ayaa maalintan oo kale shacabkooda kala qayb gala tukashada maalintan, waxana la filayaa in madaxweynaha Somaliland uu salaadda ciidda kula tukado shacabka maanta nasiibka u helay inay ku tukadaan Masjid-jaamaca weyn ee Hargeysa oo uu Aalaaba ku tukado.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa isagana la filayaa inuu la tukado dadka, iyadoo ay u dhawdahay inuu Gegida Kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ku soo tukado.
Sidoo kale Gudoomiyayaasha axsaabta qaranka Somaliland, Golaha wasiiradda iyo qaar ka mid madaxda kale ee dalka ayaa iyaguna goobaha shacabku ku tukanayaana la filayaa inay kala qayb galaan.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa isaga laga filayaa inuu khubbad kooban ka jeediyo Goobta uu ku tukanayo, waxana la filayaa inuu xaaladda dalka ee Haatan wax ka yidhaahdo.
Axmed Cumar Axmed (timo)
Hargeysa/Somaliland.