|

Somaliland:Sadex Sano ka Hor iyo Maantoo Kale Milgihii Xilwareejinta Siilaanyo Vs Rayaale {DHAGAYSO}

Hargaysa 27.July (SDN) Waxay ku beegnayd 26 bishii June 2010kii Markii Shacabka Somaliland ay u dareereen Goobihii Codbixinta Doorashadii Madaxtooyada oo ahayd wareegeedii labaad.

Waxaa ku Loolamayay Sadex Xisbi,Sadex Murashax Madaxweyne iyo ku Xigeenadoodii oo ku lamaanaa.

Waxay ahayd Mucjiso in Xisbigii ugu Tunka Weynaa Mucaaridka Somaliland ee Kulmiye uu ku Guulaysto kala badh iyo dheeri Codadkii la bixiyay dalka oo dhan isla markaana ay hanteen in Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu noqdo Madaxweynaha Afaraad ee Somaliland yeelato iyo Mudane C.raxmaan Ismaaciil C.laahi Saylaci oo noqday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Waxaa kale oo Mucjiso Noqotay in Madaxweynihii Xiligaas Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku Xigeenkiisii Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka Sharaxnaa Xisbigii Burburay ee UDUB ay Aqbaleen Natiijadii Doorashada.

Sidoo kale Murashixii Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo ku Xigeenkiisii Mudane Maxamed Rashiid Sh.Xasan ay u yaqiinsadeen rabitaanka iyo Doonista Ummada.

Xisbiga Kulmiye ee Hogaaminta Wadanka haya waxa uu Ololahaas ku galay Weedha “Waxaynu doonaynaa Isbedel” Maxaa ka Rumoobay amase iska bedelay Halku dhigaas.

Hogaankii ay Somaliland Caleemo saartay 50 Sanno kadib markii ay Xoriyadooda ka qaateen Boqortooyadii Ingiriisku waa 26 June 2010kii, Ma fuliyay balanqaadadii uu ku hantay Quluubta Shacabka Somaliland, Sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo Muxuu ka dabaqay dardaarankii uu u soo Jeediyay Madaxweynihii ka horeeyay Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Halkan ka Daalaco Khudbadihii Taariikhda Galay, Milgihii Xilwareejintii Ugubka ku ahayd Somaliland,Iyo Ku Dhawaaqistii Madaxweyne Siilaanyo ee dhismaha Xukuumadiisii ugu Tirada yarayd haatanse isbedeshay.

Siilaanyo iyo Rayaale DHAARINTII MADAXWEYNE SIILAANYOWaxaa Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa la dhaariyay 27kii July 2010kii oo Maanta ku Beegan,Iyadoo uu 28kii isla bishaasna soo dhisay Dawladiisa.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SADEXSANO.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed