|

Somaliland Qaran Sodon Jirkiisii Mar kale dib u dhashay “Barnaamijyo Taxane ah kala Soco QURBEJOOG Iyo Waxqabadyadii Xukuumadihii kala danbeeyay Somaliland DHAGAYSO

25 GUUROHargeysa, 17 May, 2016-(SDN/QJ): – Waxaa Dalka Somaliland Xiligan ka socda diyaar garow ku wajahan Xuska 25 Guurada ka soo Wareegtay Markii ay Jamhuuriyada Somaliland dib ula soo noqotay Xornimadeedii oo ah 18 bishan May oo Beri oo Arbaco ah ku beegan isla markaana noqonaysa Rubuc qarni ay Somaliland Jirtay iyadoon Wax aqoonsi ah ka helin dunnida inteeda kale.

Shabakada Qurbejoog.com ayaa Halkan idiinku soo Gudbinaysa Barnaamijyo taxane ah oo ku Saabsan Taariikhda Xornimo ee Somaliland Xiligii Ingiriiskii,Mudadii Midowga Labada dal ee Somalia iyo Somaliland, Dhaxalkii ka dhashay Midnimadaas,Halgankii dib u xoraynta Waddanka iyo Marxaladihii Somaliland soo martay Mudadaas 25ka Sanno ah.

Waxaa Barnaamijkan soo Jeedinaya Weriye  Sakariye Axmed Muxumed iyo Yuusuf Maxamed Ismaaciil Kaas oo si Gaar ah u Taabanaya Waxqabadyadii u Hirgalay Xukuumadihii Talada dalka u kala danbeeyay.

Qaybta Labaad ee Barnaamijka Waxqabadyadii u Hirgalay Afartii Xukuumadood ee Somaliland soo Maray Mudada 25-ka Sanno ee ka soo Wareegtay dib ula soo Noqoshada Madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Halkan Guji Oo Mobile-kaaga ku dhagayso BARNAAMIJKAN

Halkan Guji Oo Mobile-kaaga ku dhagayso BARNAAMIJKAN

Comments are closed