|

Somaliland oo uu ku Soo Kordhay Dhaqanka Dilalka Ciidamada iyo asbaabta dhiirigelisay

Hargeysa  13.April 2015 (SDN/QJ) Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa Shalay Galab  toogasho ku dilay ALLE ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka qaranka guutadda 93-aad laba Xidigle Baashe Cali.

khocAskariga dilka gaystay ayaa isna ka tirsanaa guutada uu Taliyaha dhinay maamulayay oo fadhigeedu yahay jiida hore ee bariga sanaag.

 

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo arrintan ku saabsan oo Ciidanka Qaranka ka soo baxay, hase ahaatee xogaha laga helayo ayaa sheegay in Askarigu dilka la maaganaa Lacag hayaha Guutada 93-aad oo uu u haystay in Lacago uu leeyahay laga musuqmaasuqay.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ku soo badanaya Ciidanka Qaranka Somaliland, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ay dhawr dil oo Ciidanka dhexdiisa ahi ka dhacday meelo kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee sii socoshada dhaqankan ayaa noqday Mid taageero ka helay kadib markii la fulin waayay Qisastii dhagar qabayaasha.

 

Comments are closed