Somaliland oo uu Beri mar kale ka bilaabi doono Ololaha Cidhib tirka Dabaysha
Hargaysa 14.Sep 2013 (SDN)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa maanta ku dhawaaqday ololaha talaalka cidhibtirka cudurka dabaysha oo 15 bishan ka bilaaban doona dalka, socona doona ilaa 20-ka bishan.
Munaasabada lagaga dhawaaqay u diyaargarowga ololaha talaalka waxaa ka qayb galay wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta sh khaliil cabdilaahi Axmed iyo mas’uuliyiinta hay’adaha UNICEF & WHO
Talaalka cidhibtirka dabaysha oo ah olole dhowr jeer la qaado sanad walba ayaa sanadkan waxaa wehelinaya talaal cusub oo lagu talaalayo xujaajta sanadkan tegaysa xajka, ka dib markii dalab noocaas ah ay Somaliland ka heshay Boqortooyada sucuudiga oo sanad kasta martigelisa xujaajta martida u ah ilaahay
Intii ay munaasabadaasi socotay Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee JSL ayaa qaatay oo liqay labadii dhibcood ee ugu horeeyey ee talaalka la sii siinayo xujaajta somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com