|

Somaliland oo u baahan dhexdhexaadiye kale oo ka Duwan ta Turkiga ee Wada hadalada Somaliland iyo Somalia

Hargaysa 13.Dec 2015 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa dooneysa in dal kale oo caalamka ah, oo aan ahayn Turkiga in uu kasoo qaybgalo oo uu ku soo biiro wada hadalka iyaga iyo dowladda Soomaaliya ee Turkigu hoggaaminayay.

140720154402_somaliland204Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, oo maanta u warramay BBC ayaa sheegay in wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland ay soo dhaweynayaan.

Wuxuu sheegay in Turkigu ay ahaayeen ciddii gogosha dhigtay — haddana ay rabaan dhexdhexaadin — laakiin ay hadda doonayaan in cid kale oo caalamka ah ay ka soo qaybgasho dhexdhexaadinta.

Comments are closed