|

Somaliland oo Si Kulul Ugu Jawaabtay Eedayn Ka Timid Somalia oo Ku Saabsan in Gaadhi Taarikada Somaliland lihi Lagu Fuliyey Qaraxii Muqdisho ka Dhacay

Hargaysa 15. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Dawladda Somaliya, ee ahaa in Gaadhi ay ku xidhan tahay Taarikada Somaliland lagu fuliyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dhoofkii xoolaha ee uu Sucuudigu joojiyey, waxaanu yidhi “Maamulka Xamar waxay caado ku dhigteen daan-daansi iyo xad gudub ay mar walba ku soo xad gudubaan oo ay caado ka dhigteen inay wax ka sheegaan ama ay ku soo xad gudbaan Somaliland, waxaana wax aad looga xishoodo ah inay maanta yidhaahdaan Gaadhi qarxay ayaanu ka helnay Taariikada Somaliland, miyaanay arkayn, ama miyaanay ka war helin Gaadhigu intii aanu qarxin in Taariiko ay Somaliland leedahay uu xidhan yahay ama miyaanay qabteen Gaadhiga marka uu marayo Magaalooyinka ama Suuqyada, Taarikada waa la xadi kara, balse waxa xaqiiqo ah in Maamulka Xamar wax kale ujeedo, ee waxaan leeyahay Somaliland marnaba kama ma gaydo kumana kacdo inay Somaliya oo ay kala baxeen intay tagto ama fal aan suurtagal ahayn ka fuliso, anagu waxaanu jecel nahay in aanu mar walba Wadamada aanu jaarka nahay iyo kuwa Caalamkana aanu Nabad iyo xidhiidh wanaagsan ku wada noolano”.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland mar uu ka hadlaayey sida uu arko dadka iyagu Somaliland ka soo jeeda ee iyagu xilalka u doonta Somaliya ayaa yidhi “Dad iyagu tagay Somaliya, naftooda ayey u tageen, ee Somaliland masuul kama ah, Wakiilna kama aha, waxaana dhab ah in dadkaasi yihiin dad qarankooda iyo dadkoodaba khiyaanay”.

 

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey dhoofka Xoolaha ee uu Sucuudigu joojiyey ayaa yidhi “Xoolaha laga helay xanuunku waa Xoolihii Somaliya, ee Xoolaha Somaliland, waa la daryeela, waa la daweeya, waa la xaneenaya, waa xoolo caafimaad qaba oo si buuxda loo hubiyey caafimaadkooda, ee Wadanka Sucuudiga waxaan leeyahay waa khalad in aad isku kaaya xalado Somaliya, ee waxaanu kala nahay laba dal, ee ha isku kaaya khaldin, oo xidhiidhkii wanaagsanaa ee inaga dhexeeyey halkii ha ka sii socdo”.

Comments are closed