|

Somaliland oo si Jilicsan uga Jawaabtay Hadalkii Soomaaliya uga baxday Heshiiskii Hawada

Hargeysa July 27,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa si aad u dabacsan uga jawaabtay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirlka Boostaha iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo uu ku sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka baxday Hashiiskii Hawada ee dhawaan wadajirka u gaareen labada dhan.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdulahi Cumar oo u waramay Jariidada Dawan ee Hargeysa ka soo baxda ayaa yiri;“Hadalada ka soo yeedhay wasiirka ka tirsan dawlada Soomaaliya waxaan u arkaa in arrimahaasi ay carqaladayn karaan wada hadalada labada dal u socda, waxaanan ugu baaqaynaa dawlada Soomaaliya in ay ka waantoobaan in ay si khalad ah oo aan ahayn sidii markii hore lagu heshiiyay u dhigaan arrimaha, markaa arrimahaasi waa kuwo xumayn kara wada xaajoodkii u socday labada dal.axaan filayaa arrintaasi in aanay ahayn arrin sax ah, Somaliland iyo Soomaaliya waxaa ilaa mudaba u socday sidii uu dhigayay qodobkii 6-aad ee shirkii London ee sanadkii 2012-kii, waxaa u socday shirar laba geesood ah, iyaga oo laba dal oo siman ah inay ka wada hadlaan xidhiidhkooda, inay ka wada hadlaan iskaashigooda iyo arrimo kale oo siyaasad leh, dhaqaale leh, oo nabadgelyo leh.

Wasiirka kamuu mid ahayn weftigii ka socday dawladiisa Soomaaliya ee wada hadalka ka qaybgalay, markaa waxaad moodaa inuu ka bixiyay turjumaad aan sax ahayn, heshiiska labada dal ay wada galeen waxa uu qeexayay in maamulka hawada labada dale e Somaliland iyo Soomaaliya ay maamulaan guddi ay labada dal u soo magacaabaan oo xaruntiisu noqonayso caasimada Somailand ee Hargeysa, gudidaasi farsamada ahina uu ka soo taliyo qaabka loo wada shaqaynayo iyo sidii dhaqaalaha ka soo bxa loo qaybsan lahaa. Shirkayagii u danbeeyay guddidii Somaliland ka socotay ee aan anigu guddoomiyaha u ahaa ee ka qaybgalay shirkii Istanbul, markaa inay Soomaaliya ka baxday wada hadaladii ay Somaliland la lahayd war sax ah ma aha war rasmi ahna ma aha”.ayuu yiri wasiirku.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed