|

Somaliland oo shir caalemi ah uga qeybgaleysa Itoobiya

Addis Ababa (QJ) – Somaliland ayaa hadda uga qayb-galaysa shir muhiim ah oo ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaas oo la siiyay maqaam rasmi ah oo muuqda.

Shirka Adis-ababa oo diirada lagu saarayo dhalinyarada Afrika, ayaa Somaliland loogu aqoonsaday inay tahay dawlad la mid ah, waxaana ka dhashay doodo iyo doodo.

Sidoo kale, waxaa goobta si isku mid ah loogu sudhay calamada Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo ay barbar socdeen calamada dalalka Afrika ee shirka ka qaybgalaya. Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa noqday kuwo aad u baahay, taasoo sii kicisay doodda ku saabsan maqaamka sare ee Somaliland la siiyay. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa dadaallada dib-u-heshiisiinta ee labada dal.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay sannadkii hore kadib markii Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ay ku heli karto deked. Si kastaba ha ahaatee, bishii Janaayo ee sanadkan, labada dal ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda u soo ceshanayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ka dib heshiis nabadeed oo uu Turkigu dhexdhexaadinayey horaantii bishan.

Comments are closed