|

Somaliland oo Shaacisay Xiliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Kuwa Sare Iyo Tirada u fadhiisanaysa

Hargaysa 30.May 2015 (SDN/QJ)- Masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa shaaciyay xilliga rasmiga ah ee dalka laga qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasallada 8-aad iyo 4-aad. Wasiirka waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole oo uu weheliyo Gudoomiyaha imtixaanaadka qaranka Daa’uud-gadhweyne, ayaa ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee Imtixaanka.
mqdefault2673“Waxaan ku dhawaaqayaa in Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8-aad iyo 4-aad uu wadankoo dhan ka bilaami doono 7-da bisha 6-aad oo ah maalin axad ah(Sunday-07-06-2015). Fasalka 8-aad waxaa u fadhiisanaya Afar iyo toban kun oo Arday(14000), halka fasalka 4-aad ee dugsiga sarena ay u fadhiisanayso sagaal kun iyo saddex boqol” ayuu yidhi Wasiir Geedoole.
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa guul u rajeeyay ardayda Imtixaanka u fadhiisanaysa “Ardayda Imtixaanka u fadhiisanaysa waxaan Illaahay uga rajaynayaa inay imitixaankaas ku guulaysan doonaan, inay dedaalaan, inay iska ilaaliyaan qishka. Waxaan macalimiinta, askarta iyo cid kasta oo imtixaankaas ilaalintiisa ku shaqo leh ku boorinayaa inay dadaal weyn muujiyaan, in nabad yalyada la dhawro oo aanu u soo jeedno” ayuu yidhi Wasiirku.
Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud-gadhweyne ayaa isna sheegay in hawsha Imtixaanku tahay mid culus oo hawsheeda leh “Maadaama aanu Imtixaanku siyaasad shaqo ku lahayn dadku aad ulama socdaan laakiin, waa hawl adag,waayo dalka oo dhan saacad bay ka wada bilaamaysaa, saacad bay ka soo wada xaroonaysaa, saacad baa la rabaa in xiisadda la wada galo oo laga wada baxo, ilaa haddana si qabow oo aan rabshad lahayn ayay hawshu noogu socotaa” ayuu yidhi Gudoomiye Daa’uud.

Comments are closed