|

Somaliland Oo Shaacisay Tallaabooyin ay Wax Kaga Qabanayso Ajaanibka Dalka Kusoo Badanaya Oo Fursadihii Shaqada Cidhiidhi Geliyey

Hargeysa:April,13,2015(SDN/QJ)-Somaliland, ayaa shaacisay tallaabooyin wax ku ool ah oo ay sheegtay inay wax kagaga qabanayso Ajaanib waddanka kusoo badanaya oo Shaqooyinkii Muwaadiniinta ku fadhiya.

cabdi aw daahirKulan ay iskugu yimaadeen Wasaarado dhawr ah oo uu ku jiro Madaxa Laanta Socaalka Somaliland, ayaa lagu lafoguray sidii meesha looga saari lahaa mashaakilka dhinaca shaqada ah ee Ajaanibka soo badanayaa ku hayaan Da’yarta wax baratay ee Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo         Arrimaha Bulshada Somaliland Dr  Cabdi aw Daahir, ayaa sheegay in dabagal lagu samayn doono  shaqaalaha Ajaanibta waddanka jooga, “Maanta ajandahayagu waxa uu ahaa sidii loo kala xaqiijin lahaa dadka ajaanibta ah ee wadanka deggen kuwa sharciga haysta iyo kuwa aan Haysan si loo dardargelin lahaa Qorshaha Shaqo abuurka, waxna aanu samaynay in la sameeyo Guddi arrimahaas soo xaqiijiya.”ayuu yidhi Wasiirku isagoo u warramayey VOA-da.

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in cid kasta oo la arko inay waddanka sharci darro ku joogaan shaqada laga joojin doono, waxana uu yidhi,

“qorshahayaguna waa ku jirtaa in shaqadaas laga joojiyo Haddii aanu sharciyad haysanin, xeerka shaqada somaliland-na waxa uu leeyayay nidaam loo raaco arrintaas, qofkii aan sharcigaas waafaqnaynayna waanu caydhinaynaa.”

Mudane Cabdi Aw Dahir, waxa uu tilmaamay inay u taagan yihiin dhiirrigelinta Diiwaangelinta Ajanibta dalka ku sugan, waxana uu yidhi,

“Waxanu dhiirrigelinaynaa in la diiwaangeliyo ajaanibka waddanka ka shaqeeyo, lana saaro kuwa aan sharciga waafaqsanayn ee Shaqada haya.”

Mudane Cabdi Aw Daahir waxa uu tilmaamay inay dareensan yihiin Jiritaanka tiro ajaanib ah oo  ku Hawllan shaqo ay qaban karaan Muwaadiniinta reer Somaliland, waxana uu xusay in arrintaasi sabab u tahay dabagalka lagu hayo Ajaanibta.

Somaliland waxa ku sugan Boqolaal Ajaanib ah oo haya shaqooyin ay qaban karaan Muwaadiniinta Reer Somaliland, waxana in badan Shacabka cabasho ka muujiyey Ajaanibtaas, balse xukuumadda, ayaa wali dejin istaraatiijiyad cad oo arrintaas wax lagaga qabanayo.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed