Somaliland Oo Shaacisay Inay Guddi u Saartay Baadhis Lagu Sameeyo Xubno Al-qaacida Yemen Katirsan Oo La Sheegay inay Dalka Soo Galeen
Hargeysa:May,11,2015(SDN/QJ)-Dawladda Somaliland, ayaa shaacisay inay Guddi Ammaan u saartay Baadhis iyo dabagal lagu sameeyo jiritaanka Wararka Tilmaamaya in Xubno katirsan Dagaal yahannada Al-qacida ay gudaha usoo galeen Dalka, warkaas oo ay warbaahinta Maraykanku baahisay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa shalay, ayaa arrintan shaaciyey, waxana uu tilmaamay inay baadhitaan ku samaynayaan wararkaas soo baxaya.
Wasiir Warancadde waxa uu sheegay inuu xaqiiq noqon karo warka saxaafadda Maraykanka laga soo xigtay, sidaa darteedna ay xukuumad ahaan baadhista arrintaas u xilsaareen guddi ka kooban hay’adaha ammaanka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
“Maraykanku waa dawlad weyn, wax badan bay la socon karaan, inagu waxaynu soo dhawaynay dadka xabaddu eryanayso ee Yemen ee islaamka ah, walaalahana aynu nahay, laakiin waa wax macquul ah in lagu soo dhex dhuunto, arrintaana waxa aannu u saarnay guddi ciidammada nabadgelyada ah oo ku xeel-dheer sida loo baadho argagixisada iyo dadka dambiilayaasha ah, waxa aannu u socona in aannu ka hortagno oo aannu helno wixii ku jira, diyaar baanay dawladdu u tahay, waxyaabaha aan ka digayana way ka mid tahay in laga faa’iidaysto fadqalalaha dhexdeena ah oo la ina gaadhsiiyo wax ka weyn amma dhibaato ka badan ta aynu maanta ka hadlayno, waana waxyaabaha aan u diidanahay mudaharaadka, waana waxyaabaha aan u diidanahay in fidno inaga fog aan dhexdeena ka bilawno, cida bilawday baana iska leh masuuliyadeeda.,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xukuumad ahaan sida ay u arkaan warka Maraykanku ku sheegay in illaa 600 dagaalyahan oo Al-qaacida ka tirsan ku dhex dhuunteen qaxootiga ka cararay dagaallada Yemen ee ka degay dekedaha Berbera iyo Boosaaso, kuwaas oo doonaya inay ku biiraan kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya.
Dhawaan ayey ahayd markii Qaarka mid ah warbaahinta waddanka Maraykanku shaaciyeen in Boqolaal katirsan Dagaalyahannada Al-qaacidada Yemen, ayaa kusoo dhex dhuunteen Qaxootiga Reer Yemen ee kasoo degaya Xeebaha Boosaaso, iyo Berbera, iyadoo arrintaasina walaac gelisay Xaaladda Ammaan ee Dalka.
SDN/QJ