Somaliland oo qarameyneysa ciidamada medeniga
Ceerigabo (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa wafdi heer sare ah u dirtay magaalada Ceerigaabo si ay xabad-joojin iyo isku dhafka ciidamda deegaanka uga hawlgalaan gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer.
Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa waxa ka mid ah saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidammada iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda. Waxaa loo xilsaaray inay si rasmi ah u dhex dhexaadiyaan xabad joojinta beelaha wada dega magaalada.
“Waxaan u nimid inaan nabadda soo celinno, cid walbana mas’uuliyad ayaa ka saaran, Allaah waxaan ka rajaynaynaa inuu nagu soo hanuuniyo, safarkanna uu ka dhigo mid lagu xasuusto nabaddii Ceerigaabo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.
Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in la qorsheynayo in la isku dhafo maleeshiyaad deegaanka ah, kuwaasi oo ka kooban kooxo hubeysan oo qaab beeleed u abaabulan, kuwaasi oo huriyay xiisado iyo colaado ka taagan goboladaasi.
“Ciidanka xoogga dalka ayaa guud ahaan mas’uul ka ah amniga shacabka, waxaan u nimid in qof kasta oo hub sita uu ka mid noqdo ciidamada rasmiga ah oo la isku dhafo,” ayuu madaxweyne ku xigeenku hadalkiisa ku daray.
Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro, ayaa sheegay in iyadoo ciidamada Somaliland ay mas’uul ka yihiin ammaanka magaalada Ceerigaabo ay door bidayaan in wadahadal lagu dhammeeyo colaadaha. Wuxuu ku nuux-nuux saday in dowladdiisu ay mudnaanta siineyso nabadda. In ka badan 40,000 oo qoys ayaa ka qaxay Ceerigaabo ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada SSC-Khaatumo.
Dhinaca kale qaar ka mid ah madax dhaqameedka gobolada Sool iyo Sanaag ayaa ku baaqay in laga hortago Somaliland. Sidoo kale, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, C/qaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa dhawaan ku dhawaaqay duulaan qorsheysan oo ay ku qabsanayaan Ceerigaabo, isagoo ku eedeeyay Somaliland inay caburin ku hayso dadka deegaanka.