Somaliland Oo Muddo Bil Ah Ku Dartay Muddadii Loo Qabtay In Soo Galootiga Sharci-daradda Ahi Kaga Baxaan Dalkooda
Hargeysa —Taliyaha hogaanka socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf “Ina Cambaro” ayaa shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa kaga xog-waramay, halka ay mareyso go’aankii xukuumaddu dadka sharci-daradda dalka ku joogga ugu qabatay in ay kaga baxaan muddo bil gudaheed ah.
Taliyaha socdaalka ayaa shirkiisa jaraa’id ee maanta ku sheegay in ay si habsami ah u socoto hawshii dadka sharci-daradda ah dalka lagaga saarayey, waxaana uu intaa ku daray in ay muddo bil ah ugu dareen sharci-qaadashada iyo dal ka saarida ajaanibka.
Warka taliyaha oo maqal iyo muuqaal ahi waxa uu u dhacay sidan ee daawasho haboon: