Somaliland oo loogu Deeqayo Dhaqaalaha ka soo baxa Tartan Qofka ku guulaysta Magiciisu galayo Buugga Dhacdooyinka Adduunka
Turin 24.Sep 2015 (SDN/QJ):- Tartan Caalami ah oo Berri ka dhici doona magaalada Turin ee dalka Talyaaniga, natiijadiisana lagu daabaci doono BuugGa Dhacdooyinka Adduunka, ayaa la sheegay in dhaqaalaha ka soo baxa lagu taageeri doono waddamada Somaliland iyo Nepal.
Tartankan oo Shirkadda Baabuurta samaysa ee Zuzuki iyo Urur u dooda Daryeelka Carruurta soo qabanqaabiyeen kana qeybgelayaan Tartamayaal tiradoodu gaadhayso 2332 qof, ayaa la sheegay in qofka ku guulaysta magaciisa lagu daabaci doono Buugga Dhacdooyinka Adduunka (Guinnes Book of Records).
Tartankan oo noociisu yahay Kubbadda Miiska lagu ciyaaro, ayaa la sheegay in ujeeddada loo qabanayaa tahay sidii dhaqaalaha ka soo baxa loogu taageeri lahaa qeyb ka mid ah Cusbitaalka Carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh (MA Sheekh) oo ku yaalla magaalada Hargeysa, isla markaana u gaar ah dawaynta iyo daryeelka Carruurta, waxaana la sheegay inuu illaa muddadii la aasaasay sannadkii hore lagu daweeyey Carruur tiradoodu gaadhayso shan iyo soddon kun.
Tartankan oo maalinta Khamiista ka dhici doona magaalada Turin ee dalka Talyaaniga, ayaa qabanqaabiyeyaashu sheegeen inay u doorteen maaddaama oo Kubbadda Cagtu tahay hiwaayad ciyaarteeda xiiseeyo qof kasta Carruur iyo Cirroole, isla markaana qofka ku guulaysta magaciisu geli doono dhacdooyinka caalamka Buugga lagu keydiyo.