Somaliland oo Liyuu Booliska ku eedeysay Xasuuq
Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Booliska gaarka ah ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaano Liyuu Booliska ay dad shacab ah ku xasuuqeen deegaanka Dacawaley oo maanta dagaalku ka dhacay.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu cambaareeyay shaqaaqadii maanta ka dhacday deegaanka Dacawaaley, kaasi oo ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah.
“Xukuumaddu waxay cambaaraynaysaa xasuuqii ay ciidamada Liyuu Booliska dawlad deegaanka Soomaalida ee deegaanka Dacawaley ku xasuuqeen dad shacab ah oo xoolo dhaqato ahaa, falkani waa mid ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo nidaamka dawladnimo,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidamada Liyuu Boolisku ay qafaasheen madax dhaqameed ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo deegaankaasi u tagay sidii ay uga shaqayn lahaayeen nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka. Dawladdu waxay arrintan ku tilmaantay xad-gudub iyo xad-gudub bareer ah.
Xukuumadda Somaliland ayaa ka warbixisay in Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar uu sheegay in uu aad uga xun yahay falkii ay ciidamada Liyuu Boolisku ka geysteen deegaanka Dacawaley.
Warku waxa uu intaa ku daray in dawladda Somaliland ay kala hadashay dawladda Itoobiya dhacdadan. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa lagu wadaa in ay maalinta berito ah ku kulmaan xuduudka, si ay wax uga qabtaan.
Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Liyuu Boolis lagula xisaabtami doono falkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Dacawaley oo maanta dad shacab ah lagu laayay iyagoo ku marmarsiyoonaya inay la dagaalamayaan maleeshiyo beeleed.