Somaliland Oo Lagu Dhaliilay Qaabkay Uga Hadashay Natiijada Doorashadii Maraykanka Ee Uu Ku Guuleystay Doland Trump
Hargaysa 14. November 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa lagu dhaliilay qaabkii ay u dirtay hambalyada Madaxwaynaha Cusub ee Maraykanka Donald Trump salaasadii Toddobaadkii hore.
Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqal Insaan HRC Guuleed Axmed Jaamac (Dafac), ahna Afhayeenka Hay’adda Daraasaadka Siyaasadda, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxwayne Axmed-Siilaanyo aanay u diyaar garoobin dhambaalkaasi ay la wadaageen hoggaanka cusub ee ku Guuleystay Doorashada Madaxwaynaha ee Dalka Maraykanka.
Guuleed Dafac waxaa uu sheegay in Xukuumaddu ay la soo habsaantay dhambaalkaasi, isla-markaana aanay wax door ah ku lahayn Wasaaradda Arrimaha dibadda somaliland qoraalkaasi loo diray Dawlada Maraykanka marka la eego sida uu u qornaa.
“Waa la ogaa in doorashada Maraykanka Qof ku guuleysanayo, waxay ahayd in Wasaaradda Arrimaha dibaddu diyaariso qoraalka loo dirayo Madaxwaynaha ku guuleysta”ayuu ku yidhi Qoraal kooban oo uu Shalay soo gaadhsiiyey Warbaahinta, waxaanu intaa ku daray, “Qoraal wanaagsan oo xili hore la diray haddaynu Adduunyada la wadaagno waxay inagu soo jeedin lahayd indhaha caalamka, fursad fiicana way inoo ahayd”
Afhayeenka Xarunta daraasaadka Somaliland waxaa kale oo uu sheegay inay khalad ahayn in la faro geliyo arrimaha gudaha ee dalka Maraykanka, maaddaama dawladdu cusub qabsatay dalkaas wuxuu sheegay in la sugo ilaa inta uu qabsanayo hoggaamiyaha ku guuleystay Xilkaas.
“Fursad ayay inoo tahay in Xisbiga Jamhuurigu Guuleysto waa inaynu ku faraxnaa waayo? Siddeed sano oo Obama xukumayay Maraykanka wuxuu inagu riday God”ayuu yidhi Guuleed Dafac.