|

Somaliland Oo Laga Xusay Maalinta Macallinka Adduunka – Sawirro

Hargeysa,5Oct,2015(QJ/SDN)-Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland ayaa maanta soo qabanqaabisay maalin loo asteeyay  maalinta Baraha Aduunka waxa Wasaarada la soo qaban qaabisay Hay’ada Unicef .1

Munaasibadan Loo Qabtay Maalinta Baraha Aduunka oo ka Dhacday Hoolka Jaamacad Hargeysa ayaa waxa ka soo qayab galay madaxda Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Shaqada iyo arimah bulshada, Gudoomiyaha Jaamcada Hargeysa, Arday iyo Marti sharaf Kaloo Badan .

Ugu horayin waxa munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Mahadi Cismaan waxuuna si balaadhan ugu nuuxnuuxsaday qiimaha ay maanta u leedahay macalimiinta Waxan

Yidhi “ macalinka caalamka wuu ka duwanyahay macalinka Somalilan daayo macalinka caalamku waxa uu leeyahay meel uu ugu hagaago mushaharkiisa iyo caafimaadkiisa macalinka Somaliland si walba wuu kaga duwanyahay waxuuna u dul qaadanayaa sababo badan oo ku gadaaman nolashiisa. 

Anagu si gaara ayaan idiinku mahadnaqaynaa waayo waxaad soo saarteen Ardaydan aanu meesha ku hayno waad ogaydeen oo shalay markii jaamacada hargeysa laga qalin jabinaayay waxa ka qalain jabiyay Sagaal boqol iyo dheraad arday waa xogiinii waa dadkaad soo saarteen, ruux walba wixii wanaaga ee uu sameeyay waxa uu ku leyahay Ilaahay.

Jaamac Iid Maxamed Maamulaha Dugsiga Macailn Daa’uud ayaa ku dheeraaday muhiimada ay u leedahay macalimiinta Somaliland maalintana waxana xusay in uu ku faraxsanhay in Somaliland ka hana qaado maalintan oo kale.

Ismaaciil Cali Faarax Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Maroodi Jeex ayaa soo dhaweeyay Maalinta waxan Yidhi “ waxaan Tahniyada u dirayaa Macalimiinta maalinta waa maalin inugu qaaliya hadaan nahay bahda macalimiinta iyo bahda waxbarashada maclinku waa ka soo saaray dhakhtarka iyo aqoon yahan kasta oo dal u kaca

.

Madaxa Somaliland u qaabilsan Hay’ada Unicef  Axmed Abokor ayaa Sido kale soo dhaweeyay Maalintan waxan ka tilmaamay mid ku suntahy taariikhda Somaliland sido kale wuxuu intaasi raaciyay in uu maanta aad ugu faraxsanahyahay maalintan loo asteeyay maalinta baraha aduunka .

Agaasimaha Dalada Dhalinyarada Somaliland Ee Sonyo Siciid Maxamed ayaa munaasibadaasi si balaadhan u soo dhaweeyay waxana Yidhi “ waxa inoo sharaf ah in aan xusayno maalinta baraha aduunka macalinku waxa uu dunidan ku sharfanyahay waa cilmi runtii aad ayaan ugu faraxsnahay maalintan waxan hambalyo u dirayaa Dhamaan barayaasha Somaliland Iyo Xaasaskoga ayuu Yidhi Siciid Maxamed .

Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir ayaa sido kale soo dhaweeyay Maalinta Baraha Aduunka “ waxaan Salaan u dirayaa dhamaan barayasha Somaliland waayo barahu waa ka maanta qof walba halkaasi soo gaadhsiiyay Macalinku waa aasaaska Nolosha runtii qadarin balaadhan ayuu inugu leeyahay maalintan waan soo dhawaynaynaa .

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta Sare Cabdirashiid Ismaciil Kaahin oo gabagabadii soo xidhay munaasibadaasi ayaa soo dhaweeyay Maalintan waxuuna Xusay muhiimada ay barayaasha Somaliland u leedahay maalintani waxana Yidhi “ waxa maanta si gaara salaanta u leh macalimiinta Somaliland meel walba oo ay jogaan .

Macalinku waa barbaariyaha Nafta waayo marka u horaysa waxa loo geeya baraha ilmaha yar oo wax Alle iyo wuxuu garanayaa jirin bal se mudo yar ka dib waxa soo baxa ilmihiim oo wax qoraaya waxan akhrinaaya  macalinka wasaarada waxbarashadu waxa ay ku leedahay waan ognahay howshaa aad haysaan maalin iyo habeenba .

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed