Somaliland oo laga Hirgaliyay Wershad Samaysa Taayirada Gaadiidka DAAWO
Hargaysa 28.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylci ayaa shalay xadhiga ka jaray warshad cusub oo samaynaysa taayirada ay baabuurtu ku socdaan, warshadaas oo laga hirgeliyay galbeedka magaalada Hargeysa, gaar ahaan deegaanka Malawle.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylci, waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay warshadan cusub ee lagu soo kordhiyay dalka, isla markaana ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan maalgashiyada noocan oo kale ah, gaar ahaan maalgashiga muwaadiniinta reer Somaliland.