|

Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Tallaaboyin Ka Dhan Ah Aflagaadada Iyo Shirarka Beelaha

Hargeysa (QJ) – Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Tallaabo Ka Dhan Ah Dhaqdhaqaaqyo Khatarta Ku Ah Amniga, Aflagaadada Iyo Shirarka Qabaa’ilka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa lagu yidhi, “Waxa la isla gartay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya nabad-gelyo-darrada iyo cid kasta oo ku kacda falal wax u dhimaya nabadgelyada guud ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa la go’aamiyay in tilaabo sharci ah laga qaado dadka warbaahinta u adeegsada aflagaadada iyo hadalada sumcad xumada ah ee bulshada kala fogaynaya ee bulshada ku dhex abuuraya nacayb iyo colaad.

“Saxaafaddu waa inay ka fogaato baahinta hadalada xanafta leh ee dhaawacaya midnimada bulshada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi go’aamadii ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale, waxaa la go’aamiyay in laga bilaabo maanta aan la mamnuucin shirarka beelaha ee hoteellada iyo goobaha kale ee ay bulshadu isugu timaado. Hoteelada ayaa la farayaa in ay ka digtoonaadaan in lagu qabto shirarka noocaan ah ee qabiilka ku saleysan, waxaana tallaabo laga qaadi doonaa cid kasta oo ogolaata isu imaatinka.

Ugu dambayntii waxaa la go’aamiyay in la xoojiyo guud ahaan amniga iyo ilaalinta xuduudaha. Go’aamadan ayaa imanaya ka dib markii dhawaan ay mudaharaad lagaga soo horjeedo Maayarka Hargeysa iyo shirar beeleedyo ka socday magaalada.

Comments are closed