|

Somaliland oo ku biirtay ururka Xogheynta xukuumadaha Africa oo Soomaaliyana xubin ka tahay

Adis Ababa Feb 17,2014(SDN)-Warmurtiyeed ka soo baxay urur cusub oo ay yeesheen dalalka Africa oo la yidhaahdo ururka Xoghenyta Xukuumadaha Africa ayaa waxa xubin ka noqday Jamhuuriyada Somaliland.

Ururkan oo Soomaaliyana ka mid tahay ayaa kulankiisii u horeeyay waxa uu ku yeeshay magaalada Adis Ababa waxaana durba ku biiray dalal ay Somaliland iyo Soomaaliya ka mid yihiin.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa looga munaaqishoodey sidii looga miro dhalin lahaa ujjeedooyinka xukuumadaha Africa.

Waxa la isla qaatay muhiimada ay leedahay diyaarinta qodobada xukuumaduhu diirada klba saarayaan iyo muhiimada ay leedahay in qodobada la sii diyaariyo inta aan la kulmin.

Waxaana la isla qaatay in la isla eego habab kale oo hawlaha loogu fududeynayo Xukuumadaha si markaa looga miro dhaliyo himilooyinka xukuumadaha Africa.

Ururka Xogheynta Xukuumadaha Afica ayaa waxa ilaa haatan ka mid ah dalalka Ghana, Liberia, Malawi, Rwanda (oo aaney u suurtogelin in ay kulanka ka qeybgalaan), Sierra Leone, Somalia, Somaliland, South Sudan, Uganda, Zambia and Zanzibar,waxaana lagu casuumay dhamaan dalalka kale ee qaarada in ay ururka ku soo biiraan.

Ururka ayaa dawlada Itoobiya uga mahad celiyay martigelinta ay u fidiyeen ururkan cusub.

Ururka Xoghaynta Xukuumadaha Africa ayaa sidoo kale u mahadceliyay dalka UK oo ay sheegeen in ay kulanka maalgeliyeen.

SDN-

Comments are closed