Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Shirweynaha Ka Faa’ideysiga Khayraadka Badaha Oo Ka Dhacay Dalka Faransiiska DAAWO
Paris 14. November 2016 (SDN/QJ):- Shirweynaha ka faa’ideysiga Kharaadka badaha ayaa ka dhacay Magaalo-xeebeedda La Rochelle ee Dalka Faransiiska.
Shirkan oo ahaa kii 12-aad ee noociisa ah ee la qabto, ayaa waxa Somaliland uga qayb-galay Wakiilka u jooga Dalka Faransiiska Mr. Cali Ismaaciil.
Shirka oo ay ka qayb-galeen Dad gaadhaya 1800 Qof oo ka kala yimid dunida iyo dalka Faransiiska iyo shirkadaha daneeya maalgelinta ka faa’iideysiga kheyraadka badaha.
Shirkan oo socoday muddo laba maalmooda waxa sii weyn loogo lafo-guray sidii dunidu u maalgalin lahayd kheyraadka dihin ee badaha loona sameyn lahaa suuqa ugu weyn ee dhinac Kalluunka.
Safiirka Somaliland u Fadhiya Dalka France Ambassador Cali Ismaaciil oo markii ugu horeysay Shirkaa lagu casuumay, ayaa ka jeediyey khudbada la xiidhiidhka dalka Somaliland Tariikhada soo jireenka ah, dhinaca nabad galyada hanaanka doorashooyinka isla-markaan tilmaamay halka ay Somaliland kaga taalo Geeska Afrika, wuxuu sharraxaad guud ka siiyey inay badaha Somaliland ka kooban tahay.
Safiirku wuxuu Shirka u sheegay in Somaliland leedahay xeeb dheer oo u baahan maalgalin Caalamiya, isagoo Shirkadaha Shirka ka qayb-galay ee Maalgelinta badaha daneeya u soo jeediyay inay Badda Somaliland Maalgashadaan.
Isagoo Safiirku Dadka ka qayb-galay Shirka u faahfaahiyey badda Somaliland halkay kaga taallo biyaha gacanka cadmeed iyo biyaha India Ocean isla markaan ku tilmaamay inay ku taal meel istaraatiiji ah oo aad u hodan dhinaca kalluunka iyo khayraadka kale.
Waxa kale oo uu Safiirku u sheegay Shirka in Somaliland leedahay meelo qurux badan oo ku wanaagsan in Dalxiisayaasha Adduunku soo arkaan.
Shirkan oo uu furay Madaxweynaha Faransiiska, ayaa Safiirku uga faa’ideystay inuu Shirkadaha Caalamiga ah ee a socday Maraykanka iyo Dalalka kale ee Horumaray iyo weliba wufuuddii kale gaadhsiiyo farriintiisa ah in Somaliland leedahay Bad dihin oo u baahan in khayraadkeeda la maalgashado, si looga faa’ideysto.