Somaliland oo ka jawaabtay eedeyn ka soo yeeraty Puntland
Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku tilmaantay hadal aan sal iyo raad toona lahayn oo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, kuwaas oo dhawr jeer Somaliland ku eedeeyay inay taageerto kooxaha argagixisada ah.
Eedaymahan oo aanay xukuumaddu si toos ah ugu eedayn cid gaar ah, balse marar badan ay soo jeediyeen xildhibaanno ka tirsan Puntland, ayaa Somaliland ku tilmaantay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay jirin wax caddaymo ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Hanuuninta Qaranka, ayaa lagu sheegay inay Somaliland ka go’an tahay la-dagaalanka Argagaxisada, sida uu dhigayo Dastuurkeedu. Sidaa darteed, eedeymaha ka imaanaya madaxda Puntland ayaa ah mid aan loo meel dayin.
“Eedaha aan sal iyo raad toona lahayn ee shakiga ku jira ee ay dabada ka riixayaan xaasidnimo qarsoon, ee ay marar badan ka soo yeedheen masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, oo ay Somaliland ku eedeeyaan falal aanay waligeed ku dhaqaaqin, wax kale maaha ee waa hadal madhan” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo dad kale oo caan ah ayaa Somaliland ku eedeeyay inay taageerto kooxaha argagixisada ah. Arrintan ayaa daba socota markii ay soo baxeen warar sheegaya in shaqsiyaad asal ahaan kasoo jeeda Somaliland balse kasoo horjeeda gooni isu taagga ay ku biireen kooxda Al-Shabaab. Somaliland ayaa ka mid ah gobollada ay sida aadka ah u saameeyeen weerarrada argagaxisada ah sannadihii u dambeeyay. October 29, 2008, weeraro argagixiso oo ay sheegteen Al-Shabaab ayaa lala beegsaday madaxtooyada Somaliland, xafiiska diblomaasiyadda Itoobiya iyo xafiiska UNDP, waxaana ku dhintay 30 qof iyo 30 dhaawac ah.
30-kii sano ee la soo dhaafay, weeraro argagixiso oo lala damacsanaa in lagu laayo shaqsiyaad kala duwan ayaa lala beegsaday ajaaniib ka shaqeeya Somaliland iyo dad kale oo rayid ah. Weeraro badan ayaa la fashiliyay, waxaana Somaliland samaysatay ciidamo gaar ah oo la dagaalama argagaxisada iyo ilaalinta amnigeeda.